Yaa Badiyay Kulankii Elman Sports Club & Mogadishu City Club.

0
82

Kooxaha kubadda cagta Elman-Sports Club iyo Mogadishu City Club ayaa wada dheelay kulan aad u xiiso badnaa iyo guud ahaan kulankii 33aad horyaalka Somalia Premier Fasal ciyaareedka 2018-2019

Qeybta kowaad dheesha kooxda Elman Sports Club ayaa heshay fursad gool ah waxaana u ansixiyay kabtankii hore degmada Boondheere Cumar Suleymaan Sheekh oo ahaa kabtankii 2014.

Markii la isku soo laabtay qeybta labada dhinac ayaa taageerayaashooda ku qanciyay ciyaar ku dheehan fasamo,balse gool ku loo dhigay Daqiiqadii 90aad waxaa u dhaliyay Marcel Odhiambo.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 oo ay ku kala baxeyn labada dhinac.

Xaqiiqooyinka Kulanka Laga Bartay
-Cumar Suleymaan Sheekh oo ahaa kabtankii hogaaminayay kooxdii degmada Boondheere ee ku guulaystay koobkii degmooyinka 2014 ayaa saddex sano ka dib goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay horyaalka Somalia Premier League.

Daadir Amiin Ali oo ahaa kabtankii hore ee Mogadisho city Club ayaa ka hor yimid kooxdii uu kusoo caan baxay.

-Goolhaye Aweys Xaaji Amiin ayaa isna markii ugu horeesay ka hortagay kooxdisii hore Mogadisho City Club tan iyo kolkii uu kasoo tagay November 2018.

-Dhaliyaha goolka Elman Cumar Sulaymaan sidoo kale waxaa uu labadii sano lasoo dhaafay horyaalka lasoo qaaday kooxda kubbaddda cagta Dekedda.

-Marcel Odhaimbo oo kasoo jeeda Kenya una dheela Mouqdisho City Club iyo Anwar Sayid Cali oo isna ka tirsan ayaa wada hogaaminaya gool dhalinta horyaalka,iyagoo leh min 6-gool.

Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Hassan Eĺ Hagi,Calanhayaha 1aad Suleiman Bashir Sheikh,Calanhayaha 2aad Mowliid Rage.
Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here