XOG: Kulanka Udhaxeya Kooxaha Elman iyo Dekeda

0
413

Kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekeda Football Club ayaa kulankii afaraad horyaalka wajahaysa dhigeeda Elman-Sports Club oo malmahan soo bandhigtay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.

Dekedda ciyaartii u dambeesay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen xidigaha fasal ciyaareedka u soo gudbay horyaalka ee Midnino, kooxda tababare Yusuf Ali Nuur Yuuali waxa ay xaadir ku yihiin kaalinta 1-aad, iyagoo leh 10-dhibcood.

Kooxda Elman-Sports Club kulankoodii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 ka soo gaartay xidigaha naadiga wasaaradda warfaafinta ee Madbacada Qaranka, Elman waxa ay fadhisaa kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka waxayna lee dahay 8-dhibcood.

Dekedda waxaa kulanka caalamada jaalaha ama (Yellow Card) kaga maqan weeraryahankooda Zakariye Towfiiq, sidoo kale Dekedda waxaa macquul ah in uu san kulanka kasoo muuqan laac’ibka reer Kenya Reymond Mongi.

Kooxda Elman-Sports Club ma jiraan waxa ciyaartooyda oo kulanka kaga maqan dhaawac ama sabab kale taasi rajo wanaagsan u ah Taageerayaasha Elman.

Cabdiqaadir Siidow Cali (Seyga Ruushka) waxaa ka mid ahaa xidigihii labadii sanno lasoo dhaafay kooxda Dekedda kula soo guulaystay horyaalka, Isagoo sidoo kale soo noqday kabtanka kooxdii Gobolka Benaadir tartanka Maamul-Goboleedyada 2016, balse iminka isaga uu xeran maaliyada Elman ayuu ka hortagayaa kooxdiisii hore ee Dekedda.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox
05/02/2018 Dekedda 1:0 Elman-Sports Club
05/04/2018 Elman 3:0 Dekeda Football Club
03/03/2017 Dekedda 0:0 Elman-Sports Club
01/02/2016 Elman 0:1 Dekeda Football Club
26/04/2016 Dekedda 3:0 Elman-Sports Club
29/12/2014 Elman 1:1 Dekeda Football Club
27/03/2015 Dekedda 2:0 Elman-Sports Club
18/06/2012 Elman 4: 0 Dekeda Football Club
08/10/2012 Dekedda 2:3 Elman-Sports Club

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019
Kooxaha:-Dekedda VS Elman Taariikhda:-07-03-2019
Maalinta:-Khamiis Saacada:-3:45pm
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°-26°C

Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here