XOG: Ac Milan Oo Hogaaminaysa 7-da Kooxood Ee Goolasha Ugu Yar Laga Dhaliyay Sanadka 2019

0
71

Horyaalada yurub ayaa maraya meel xiiso leh kadib bilowgii sanadka 2019 iyada oo ay koox walba u tartamayso sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahayd.

Kooxda Ac Milan ayaa sanadka 2019 ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo kaalinta 3-aad kaga jira kala saraynta horyaalka Serie A-da.

Xogtaas ayay cadayn u tahay in ay Ac Milan tahay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay tan ilaa bilowgii sanadka 2019.

Waxa bilowgii sanadka 2019 laga soo ciyaaray 3 bilood kooxda Ac Milan ayaana hogaaminaysa kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay sanakda iyada oo ka horaysa kooxaha Barcelona, PSG, Juventus, Atletico Madrid iyo waliba kooxo kale.

Xogtan ayuu soo saaray wargayska calciomercato kaas oo soo saaray 7-da kooxood ee goolasha ugu yar laga dhaliyay shabaqooda sanadka cusub ee 2019.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha goolasha ugu yar laga dhaliyay shabaqooda tan ilaa bilwogii sanadka 2019:

Ac Milan: 5 gool

Barcelona: 6 gool

Torino: 7 gool

Napoli: 7 gool

PSG: 8 gool

Atletico Madrid: 8 gool

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

https://www.facebook.com/JubbalandSports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here