Xiddigo hor leh oo ka dhaawacmay kooxda Manchester United oo dagaal ugu jirta booska afarta sare

0
69

England) 30 Abriil 2019. Kooxda Manchester United oo raacdo xoogan ugu jirta sida ay ugu soo bixi lahayd tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, ayaa dharbaaxo xanuun badan la kulantay, kaddib markii ay ka dhaawacmeen xidigaha Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna heysataa 65 dhibcood, 2 dhibcood oo kaliya ayay u jiraan anay u soo baxaan  tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Hadaba wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababare Ole Gunnar Solskjær ay dharbaaxo xoogan ku tahay dhaawacyada ay la kulmeen xidigaha Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford.

Xidigaha Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford ayaa la filayaa inay maqnaan doonaan labada kulan ka harsan horyaalka Premier League.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in Rashford uu ka cawanayo dhaawac dhanka garabka ah, halka Lukaku uu qabo xanuun dhanka muruqa ah, waxaana la filayaa in baaritaano caafimaad oo dheeri ah lagu sameyn doono maalmaha soo socda.

Yeelkadeeda, Manchester United ayaa martigelin doonta kulankeeda soo aadan kooxda Huddersfield Town, halka kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka Premier Leaguea ay la balansan yihiin kooxda Cardiff City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here