Xabi Alonso Oo Koobkiisii Ugu Horreeyey Ku Guuleystay Isagoo Tababare ah

0
118

Halyeygii xulka qaranka Spain iyo Kooxaha Liverpool & Real Madrid ee Xabi Alonso ayaa guul koob ah ku bilaabay waayihiisa tababarenimo, kaddib markii uu si rasmi ah ula wareegay kooxda da’yarta 13-jirrada Real Madrid.

Xabi Alonso ayey kooxdiisu ku guuleysatay koobka lagu magacaabo Division de Honor oo ah horyaalka ciyaartoyga ay da’doodu heerkaas tahay ee laga ciyaaro dalka Spain.

kooxda da’yarta Real Madrid ayaa waxay Arbacadii ku tunteen naadiga yar ee Adarve ee ay isku heerka yihiin, waxaanay u ahayd habeen damaashaad oo ay farxad la hoydeen xilli dhamaadka xili ciyaareedkana ay ka dhiman yihiin saddex kulan.

Alonso ayaa farxadda la wadaagay ciyaartoygiisa iyo isaga oo ku hamiyaya inuu sare uga soo dallaco oo uu kooxaha kale ee ka da’da weyn yimaado ka hor inta aanu ku hammiyin naadig koowaad ee uu hadda Zinedine Zidane gadh-wadeenka ka yahay.

Hadal uu jeediyey dhamaadkii ciyaarta ayaa waxa uu Alonso ku yidhi: “Waa xili ciyaareedkaygii ugu  horreeyey ee aan tababare noqdo, mid wanaagsan ayaanu ii ahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here