“Waxaan Doonayaa Inaan Jamaahiirta Liverpool Gool Ku Hor Dhaliyo, Saaxiib Ayaan Ku Leeyahay Man City” – Weeraryahanka Wolves Ee Raul Jaminez.

0
25

Weeraryahanka kooxda Wolverhampton Wanderers ee Rahul Jiminez ayaa ka warramay hammigiisa kulanka ay maanta martida u yihiin Liverpool iyo asxaabta uu ku leeyahay kooxda ay xifaaltamayaan Reds ee Manchester City.

Iyadoo ay maanta tahay maalintii ugu dambaysay ee Premier League ayay Liverpool ka warqabtaa inay waajib ku tahay garaacista Wolves si ay u helaan fursad ay horyaalka ugaga guuleysan karaan Sky Blues.

Dhinaca kale Manchester City ayaa guul ay gaadhaa ay ka caawin doontaa in loo caleemo saaro horyaalka waxkasta oo ay noqoto natiijada ay Liverpool hesho.

Jiminez ayaa sheegay in hammigiisu yahay inuu gool ku hor dhaliyo maanta jamaahiirta Liverpool isaga oo dhinaca kale sheegay in saaxiibka uu ku leeyahay Manchester City oo ah goolhaye Ederson Moraes uu ka farxin doono.

Raul ayaa yidhi “Riyadaydu waa inaan gool ku dhaliyo The Kop (Jamaahiirta Liverpool) hortooda, Mucjisadii Istambul (Kulankii ay Liverpool Champions League ku qaaday 2005) waxa uu ahaa kulankii ugu layaabka badnaa ee aan abid daawaday, Wakhti hore oo kahor waayahayga ahna waxaan go’aansaday in Liverpool noqoto kooxdayda”

“Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee aan arko Anfield mana sugi karo inaan khibrad ka helo la ciyaarista koox leh taariikhda cajiibka ah ee Liverpool ee kulan sidan u weyn”

“Waxaan sidoo kale taageere ku leeyahay Manchester City kaas oo sidoo kale doonaya inaan gool dhaliyo, Goolhayaha City ee Ederson waxa uu ahaa mid aanu koox wadaag ku ahayn Benfica, Sidaa darteed waxa laga yaabaa in midkaayaba ka kale ka dhigi karo midka ugu cad cad”

“Haddii aanu garaacno Liverpool Manchester City ayay noqon doontaa mida ku guuleysan doonta Premier League, Isaguna aniga waxa uu iga dhigi karaa midka ugu cad cad  isaga oo ka caawinaya City inay garaacdo Watford Final-ka FA Cup kaas oo u balan qaadaya Wolves inay xilli ciyaareedka dambe ka ciyaarto Europe League”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here