Maxay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Kulankii Old Trafford Ee Ay Man United Xasuuqday Chelsea?

0
5

Ka dib guushii weyneyd ee ay Manchester United ka gaartay Chelsea ee Old Trafford, hadal heynta ugu badan waxa ay ka noqotay ka hadalka kulankaas iyadoo kooxda Red Devils ay 4-0 ku dardartay kooxda Chelsea.

Frank Lampard ayay u aheyd bilow aad u xun iyadoo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee isagoo tababare u ah Chelsea ay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee United.

Waxaana natiijada ciyaarta ay qabsatay bogaga hore ee wargeysyada ka soo baxa dalka Ingariiska, oo aan halkaan idiin kugu soo gudbineyno cinwaanadii ay ka qoreen ciyaartii Old Trafford.

Wargeyska i ee ka soo baxa dalka Ingariiska ayaa bogga hore ee qeybtiisa isboortiga waxa ay ciwaan uga dhigeen: “Tiyaatarkii Qarowga”, waxaana ay soo qaateen sawirka tababare Lampard iyo kabtan Azpilicueta oo murugeysan. Iyagoo sidoo kale bogooda hore ee isboortiga ku soo qoray hadalkii uu Lampard ciyaarta ka yiri ee ahaa: “Waxaan sameysay afar qalad, waxaana nalooga badiyay 4-0”

Wargeyska Daily Express ayaa iyagana bogooda hore ee isboortiga soo saaray sawirka Daniel James oo dabaaldegaya kaasoo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Man United gool ku bilowday, waxaana ay cinwaan weyn ka dhigteen: “Dilaa” iyagoo sidoo kale soo qaatay hadalkii Lampard ee ahaa: “Qaladaad waa weyn ayaa na dilay”.

Advertisements

Daily Mirror ayaa si la mid ah waxa ay bogooda hore ee isboortiga soo saareen sawirka Daniel James oo dabaaldegaya waxaana ay cinwaan ka dhigteen: “Dareen Wanaagsan” iyagoo sidoo kale qoray in tababare Solskjaer uu ku amaanay kooxdiisa qaabkii ay u dheeleen islamarkaana uu sheegay in waayihii guulaha ee United inuu soo laabtay ka dib xasuuqii ay kulankoodii furitaanka u geysteen Chelsea.

Wargeyska weyn ee The Times waxa ay soo qaateen hadaladii ay isdhaafsadeen Lampard iyo Jose Mourinho ka dib ciyaarta, iyagoo cinwaan ka dhigay: “Lampard oo la yaabay weerarka Jose”.

Wargeyska The Independent ayaa iyagana soo qaatay sawirka Martial iyo Rashford oo dabaaldegaya iyagoo cinwaan ka dhigtay: “Waala wada dhoolacadeynayaa Old Trafford”. Sidoo kale waxay ka warameen eedii Mourinho uu u soo jeediyay Lampard ee la xiriirtay xulashada shaxdiisa iyo jawaabtii uu Lampard ka bixiyay, iyagoo cinwaan ka dhigay: “Lampard oo dib isaga qaniinay Mourinho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here