Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Isniin Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

0
28

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Isniin ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Suuqa kala iibsiga
Wargeysyada Ingariiska

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Kooxda Jarmalka ee Bayern Munich ayaa diidan inay ka quusato baadigoobkeeda da’ yarka kooxda Chelsea iyo England Callum Hudson-Odoi oo ay ku doonayaan 70 milyan ginni. (Daily Star)

Tottenham ayaa diyaar u ah inay Roma u gudbiso dalab 36 milyan ginni ah oo uu la socdo daafaca Toby Alderweireld si ay ugu soo bedeshaan xiddiga Nicolo Zaniolo. (Daily Star)

Manchester United ayaa heshiis 80 milyan ginni ah kala gaartay kooxda Leicester City daafaca Harry Maguire taasoo ka dhigeysa daafaca ugu qaalisan dunida. United waxa ay kaash ahaan u bixin doontaa 60 milyan ginni, halka 20ka milyan ginni kale ay si qeyb qeyb ah u dhiibi doonto. Xiddigaan ayaa la filayaa inuu maanta oo Isniin ah maro tijaabada caafimaadka. (The Sun)

Maguire ma uusan soo bandhigin wax calaamad ah oo uu ku qasbay Leicester inay iibiso, taasoo keentay in Leicester ay ku adkeysato inuu sii joogayo kooxda haddii aan la bixin lacag ka badan 75 milyan ginni. (Telegraph)

Leicester ayaa ku bedeleysa Maguire daafaca England ee kooxda Brighton Lewis Dunk iyagoo ogolaaday inay 45 milyan ginni ka bixiyaan 27 jirkaan. (The Sun)

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho ayaa ogolaaday heshiis amaah labo sannadood ah oo uu dib ugu laabanayo Liverpool isagoo heshiis joogta ah uga soo wareegi kara Barca haddii Liverpool ay bixiso 88 milyan ginni. (Calciomercato)

Celtic ayaa soo diiday dalabkii ugu danbeeyay ee Arsenal oo la rumeysan yahay inuu ahaa 25 milyan ginni ee ay ku doonayeen daafaca bidix ee Scotland 22 jirka Kieran Tierney. (Sky Sports)

Manchester City ayaa aaminsan in Leroy Sane uu iska diidi doono Bayern Munich haddii kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay dalab rasmi ah ka soo gudbiso xiddiga 23 jirka ee garabka ka dheela. (Daily Mirror)

Tottenham iyo Arsenal ayaa kula biiray kooxda Manchester City ceyrsashada daafaca midig ee reer Brazil 36 jirka Dani Alves kaasoo xor ah ka dib markii uu xagaagan ka tagay Paris Saint-Germain. (Mundo Deportivo)

Atletico Madrid wax cadeyn ah uma heyso sheegashadeeda ah in Barcelona ay heshiis la gaartay Antoine Griezmann bishii March sida uu sheegay madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu. (Goal)

AC Milan ayaa kula biirtay AS Roma tartanka saxiixa xiddiga kooxda Fulham iyo Ivory Coast 27 jirka Jean Michael Seri. (Daily Express)

Xiddiga Arsenal diirada u saaran Eevrton oo ah 23 jir weerar uga ciyaara kooxda Gremio iyo xulka Brazil ayaa sheegay in dalab laga soo gudbiyay laakiin waa uu diiday inuu magacaabo kooxda soo dalbatay. (Daily Mirror)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa ay weli raadineyso daafac bidix oo keyd u fadhiya Andy Robertson xagaagan. (ESPN)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here