Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

0
27

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Laacib oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

Suuqa kala iibsiga

 

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada JUFASPORTS kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Chelsea ayaa rajeynaysa inay tababaraha Derby County Frank Lampard u magacaabaan tababarahooda cusub Frank Lampard oo ay ka saxiixaan qandaraas seddex sannadood ah dhamaadka isbuucaan. (Standard)

Manchester United ay heshiis 55 milyan ginni ah la gashay kooxda Crystal Palace oo ku aadan saxiixa daafaca 21 jirka ah Aaron Wan-Bissaka. (Daily Record)

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa guri ka raadsanaya magaalada Barcelona taasoo shidaal ku sii shubeysa wararka xanta ah ee sheegaya inuu ku laabanayo Camp Nou. (Sport)

Real Madrid ayaa dalab 115 milyan ginni ah u gudbisay kooxda PSG oo ku aadan saxiixa Neymar waxaana ay heshiiska ku dari doonaan midkood Gareth Bale ama James Rodriguez. (Mundo Deportivo)

Bayern Munich ayaa kula xafiiltameysa Manchester City saxiixa 22 jirka khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Rodri. (AS)

Jorginho ayaa diyaar u ah inuu ka tago Chelsea oo uu Juventus u raaco tababare Maurizio Sarri sannad ka dib markii 27 jirkaan reer Brazil 50 milyan ginni looga keenay Napoli. (Daily Mirror)

Kooxaha Inter Milan iyo Atletico Madrid ayaa xiiseynaya saxiixa daafaca kooxda Southampton iyo xulka England Ryan Bertrand. (Daily Mail)

West Ham ayaa u sheegtay kooxaha Manchester United iyo Manchester City inaysan dooneynin inay iibiyaan xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska ah 20 jirka Declan Rice xagaagan. (Sky Sports)

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo 21 jika kooxda Bournemouth iyo xulka Wales David Brooks. (The Sun)

Kooxda Gunners ayaa dalab rasmi ah ka gudbin doonta daafaca Faransiiska ee kooxda Saint-Ettienne William Saliba oo 18 jir ah dhamaadka isbuucaan. (Yahoo Sport France)

Arsenal ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso 18 jirka garabka ka ciyaara ee u dhashay Hungary una dheela kooxda Red Bulla Salzburg, Dominik Szoboszlai. (Football Insider)

Juventus ayaa kalsooni ku qabta inay ku garaacdo Real Madrid saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United 26 jirka Paul Pogba. (Daily Mirror)

Pogba ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in Real Madrid ay awoodi weyso lacagta ay Manchester United isaga ku qiimeyneyso oo gaareysa 160 milyan ginni. (Telegraph)

Manchester United ayaa ka iibin doonta Romelu Lukaku kooxda Inter Milan heshiis 75 milyan ginni ah ka dib markii uu weeraryahan heshiis shaqsi ah la galay kooxda Talyaaniga isagoo qaadanaya 180 kun ginni isbuucii.

Daafaca Ingariiska ee kooxda Leicester City Harry Maguire oo 26 jir ah ayaan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Man United iyo Man City. (Manchester Evening News)

Napoli ayaa ogolaatay heshiis 4 milyan ginni ah oo ay kula wareegeyso goolhayaha Arsenal David Ospina oo 30 jir ah. (Football.London)

West Brom ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Arsenal oo ku aadan saxiixa daafaca Ingariiska ah Carl Jenkinson. Kooxda reer Scotland ee Celtic ayaa iyadana xiiseynaya 27 jirkaan. (Sky Sports)

Manchester City ayaa ku garaacday Chelsea saxiixa da’ yarka kooxda Millwall, Samuel Edozie. (The Sun)

Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha Jarmalka ee Bayern Munich ay sugi la’ yihiin in xiddiga Manchester City Leroy Sane uu kooxda yimaado. (Daily Mail)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here