Walwal Soo Wajahay Liverpool Ka Dib Markii Uu Ka Dhaawacmay Goolhaye Alisson & Saxiixa Cusub Adrian Oo Bedelay

0
5

Walwal ayaa soo wajahay kooxda Liverpool kulankooda ugu horeeya ee xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii uu dhaawac soo gaaray goolhayahooda koowaad Alisson.

Alisson ayaa isagoo darbo bilow ah tuuraya uu sibaxday waxaana ay u muuqataa inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa kubka bidix.

Goolhayaha cusub ee ay xagaagan Liverpool la soo wareegtay Adrian ayaana bedelay ka dib markii uu Alisson awoodi waayay inuu sii wato ciyaarta.

Waxaa garoonka laga saaray isagoo la garab hayo islamarkaana xanuun ka dareemaya lugta bidix.

Goolhayihii hore ee West Ham Adrian ayaana si lama filaan ah u helay inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool isagoo xagaagan si xor ah ugu soo biiray kooxda ka dib markii Simon Mignolet laga iibiyay kooxda Club Brugge.

Taageerayaasha Liverpool ayaana sacab diiran ku soo dhaweeyay saxiixooda cusub markii uu garoonka soo galay.

Liverpool ayaa haatan wajaheysa walwalka ah inay ogaadaan inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray goolhayaha reer Brazil kaasoo dhawaan ka soo laabtay fasaxii xagaaga ka dib markii uu Brazil u soo dheelay Copa America.

Wax yar ka dib markii Adrian uu soo galay, Divock Origi ayaa goolka afaraad u dhaliyay Liverpool.

Gool uu iska dhaliyay Grant Hanley ayaa bilow fiican u ahaa Liverpool ka hor inta aysan goolal kale dhalinin Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.

Dhaawaca Alisson ayaa ahaa kaliya waxa xun ee Liverpool ku dhacay qeybtii hore oo ay riyo u aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here