Waa Maxay Sababta Uu Cristiano Ronaldo U Diiday Inuu Xirto Calaamada Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Serie A?

0
24

Cristiano Ronaldo ayaa diiday inuu xirto calaamada xiddiga ugu fiican horyaalka Serie A si uu ixtiraam ugu muujiyo xiddigaha kale ee kooxda Juventus.

Xiddigaha Serie A ee ku guuleystay abaalmarinada shaqsiga ayaa la siiyay fursad ay calaamad gaar ah ku dhejistaan maaliyadooda si ay muujiyaan abaalmarinta ay ku guuleysteen.

Ronaldo ayaa ku guuleystay Xiddiga Sannadka Serie A ka dib markii uu Juventus ku hogaamiyay koob kale oo horyaalka ah xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa doortay inaan calaamada abaalmarinta loogu dhejinin maaliyadiisa si uu ixtiraam ugu muujiyo asxaabtiisa kooxda oo uusan uga duwanaanin marka uu garoonka soo galayo.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  PSG Oo Fariin U Dirtay Taageerayaasheeda Mayalka Adag Ka Dib Markii Neymar Uu Ku Guuldareystay Inuu U Wareego Barcelona

Si kastaba, xiddigaha kale ee abaalmarinada ku guuleystay ayaa iyaga doortay inuu muujiyaan abaalmarinada ay ku guuleysteen waxaana ay xirteen calaamadooda.

Xiddiga Roma Nico Zaniolo ayaa ku guuleystay da’ yarka sannadka halka goolhayaha Inter Milan Samir Handanovic uu ku guuleystay goolhayaha sannadka.

Daafaca Napoli Kalidou Koulibaly ayaa loo magacaabay daafaca sannadka.

Xiddiga Lazio Sergej Milinkovic-Savic ayaa ku guuleystay khadka dhexe ee ugu fiican horyaalka SerieA.

Dhamaan shanta ciyaaryahan waxa ay xirteen caalamada buluuga ee muujineysa abaalmarintooda kulamadii la ciyaaray Serie A isbuucaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here