Waa Maxay Sababta Sadio Mane Uusan U Ciyaari Doonin Kulanka Senegal Ay Caawa la Ciyaarayaan Tanzania Ee Koobka Qaramada Afrika?

0
18

Xulka Senegal waxaa caawa ka maqnaan doona xiddigooda Sadio Mane kulanka ay ku furanayaan tartanka Qaramada Afrika ee ay la ciyaarayaan Tanzania.

Mane ayaa ganaax uga maqnaanaya kulanka furitaanka ee xulka Senegal ee Group C isagoo labo kaar oo hurdi ama jaale ah soo qaatay intii uu socday isreebreebka Koobka Qaramada Afrika.

Xiddiga Liverpool ayaa xulkiisa ka soo daawan doona taribuunka madaama uu hal kulan ganaax ku maqnaanayo inkastoo ay Senegal heysato xiddigo kale oo waa weyn oo caawa mas’uuliyada dusha u ridan doona.

Tababare Aliou Cisse ayaan ka walwalsaneyn maqnaanshiyaha Mane isagoo filaya inay kooxdiisa natiijo fiican ka gaarto xulka Tanzania oo qiimeynta adduunka uga jira kaalinya 131aad.

Isagoo saxaafada la hadlayay ka hor kulanka maanta, Cisse ayaa yiri: “Maqnaanshaha Mane ma ahan mid dhibaato nagu noqon doonta.

“Waa hubaal in faa’ido ay noqon laheyd in Sadio uu ciyaaro laakiin isaga la’aantiis xitaa waxaan nahay koox xoogan.”

Xiddiga Arsenal diirada u saaran Ismaila Sarr ayaa la filayaa inuu afka hore ka garab ciyaaro xiddigii hore ee Watford M’Baye Niang, inkastoo weeraryahanka Moussa Konate uu isna tartan ugu jiro inuu ku soo bilowdo.

Dhanka kale, Mbaye Diagne ayaa tababare Cisse u balanqaadi kara goolal ka dib markii uu dhaliyay 31 gool 36 kulan uu u saftay Galatasaray xilli ciyaareedkan laakiin waxaa harsan in la arko haddii la ciyaarsiin doono 90ka daqiiqo oo buuxda.

Keita Balde ayaa la filayaa inuu garabka bidix ka ciyaaro halka xiddiga kooxda Club Brugge Krepin Diatta uu isna ku soo bilaaban karo garabka kale.

Xiddiga Everton Idrissa Gueye ayaa wadnaha khadka dhexe ka ciyaati doona waxaana kula biiri doona midkoodka Badou Ndiaye ama Cheikhou Kouyate.

Daafaca Napoli Kalidou Koulibaly oo si weyn loo doonayo xagaagan ayaa ku soo bilaaban doona booska daafac dhexe waxaana ka garab ciyaari doona daafaca Schalke ee Salif Sane halka Youssouf Salaby iyo xiddiga Barcelona Moussa Wague la filayo inay garbaha daafaca ku soo bilowdaan.

Goolhayaha Edourd Mendy ayaa goolka ku soo bilaaban doona inkastoo Alfred Gomis isna lagu soo bilaabi karo laakiin Khadim N’Diaye kuma jiro kooxda inkastoo uu ciyaaay seddexdii kulan ee Koobka Adduunka ee xulka Senegal.

Senegal team news predicted line up Tanzania

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here