Waa Maxay Sababta Liverpool Loogu Diiday Inay Ku Ciyaarto Maaliyadeeda Cusub Finalka Champions League?

0
44

Liverpool ayaa xiran doonta maaliyadeedii casaanka aheyd ee ay ku ciyaareysay xilli ciyaareedkan marka ay Tottenham la ciyaarayaan finalka Champions League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa xiran doonta maaliyadooda rasmiga ah ee ay ku ciyaarayeen xilli ciyaareedkan 2018/19, inkastoo dadka qaar ay soo jeedinayeen inay ku ciyaari karaan maaliyadooda cuub ee casaanka ah ee ay ku dheeli doonaan xilli ciyaareedka danbe.

Maaliyada cusub oo ay ku jiraan xariiqmo cad oo u muuqaal eg maaliyadoodii 80maadkii ayaa la soo bandhigay bishii la soo dhaafay, waxaana si weyn u jeclaaday taageerayaasha.

Xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay marka maaliyada cusub ee rasmiga ah la soo bandhigo Liverpool waxa ay ku ciyaari jirtay kulanka ugu danbeeya ee gurigooda ee Premier League laakiin Reds ayaa sii xiratay maaliyadoodii hore kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Wolves Axadii la soo dhaafay.

Taas ayaana keentay in dadka qaar ay aaminaan in Liverpool ay u dhiganeysay maaliyada cusub kulanka finalka Champions League ee Madrid laakiin taasi ma dhici doonto.

Sharciyada UEFA ayaa dhigaya in maaliyada ay koox walba ku bilaabato tartamada Yurub inay noqoto mida ay ku dhameystaan tartanka iyadoo mar kaliya ee isbedel la ogol yahay ay tahay marka ay shirkada xayaysiinta uu isbedel ku yimaado.

Waxaa sharcigaan isna la mid ah kan lambarada ciyaartoyda, iyadoo la ogol yahay in ciyaaryahan walba hal lambar loo diiwaangeliyo xilli ciyaareedkii.

Sharcigaas ayaana u sabab ahaa in Henrikh Mkhitaryan uu xirnaa maaliyada No.77 kulamadii Europa League ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay inkastoo uu No.7 u xirnaa Premier League ka dib markii uu Alexis Sanchez baneeyay lambarkaas markii uu ka tagay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here