Waa Kuma Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee Uu Harry Maguire U Baahan Doono Inuu Ilaaliyo Xilli Ciyaareedka Oo Dhan? Jose Mourinho Ayaa Durtaba Muran Dhaliyay Oo Xiddigaas Tilmaamay.

0
10

Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United iyo Chelsea ee Jose Mourinho oo shalay falanqeeye ahaan uga shaqaynayay kulankii labadaas kooxood dhex maray ayaa soo jeediyay aragti layaab leh.

Mourinho ayaa shalay oo kaliya ka shaqeeyay Sky Sports waxayna ahayd maalintiisii ugu horreysay balse sida qofkasta oo dabeecadiisa yaqaanaa uu sawiran karo waxa uu durtaba ka yaabsaday dunida kubada cagta isaga oo hadalo layaab leh sheegay.

Jose oo ah nin aftahamo leh hadalkuna uusan dhib badan ku haynin ayaa mid kamida hadalada uu muranka ku dhaliyay ay tahay in xiddigaha keydka ee Man City ay hanashada horyaalka uga dhaw yihiin Arsenal, Chelsea iyo Man United.

Sidoo kale Mourinho ayaa kulankii United iyo Chelsea eedeeyay tababare Frank Lampard oo ah ciyaartoygiisii hore ee Blues isaga oo ku canaantay shaxdii uu usoo xushay kulankii Old Trafford lagu bahdilay.

Advertisements

Si kastaba, Hadalka sidoo kale saamaynta yeeshay ayaa ah mid Jose uu si dadban ugu dhaliilay daafaca bidix ee Man United ee Luke Shaw isaga oo saxeexa cusub ee kooxdaas ee Harry Maguire u sheegay inuu u baahan doono inuu caawiyo Shaw xilli ciyaareedka oo dhan.

Special One oo arrimahaas ka faaloonaya ayaa yidhi “Maguire waxa laga soo jiidanayaa banaanka xerada ganaaxa si uu u dahaadho Luke (Shaw), Isagu (Maguire) waxa uu xilli ciyaareedka ogaan doonaa inuu u baahan yahay inuu sidaas sameeyo in badan”.

Mourinho iyo Shaw ayaan aad iskugu fiicnayn wakhtigii uu tababaraha ree Portugal kusoo qaatay Manchester iyadoo la xasuusto inuu wakhtigii nasashada bedelay kulan ay la ciyaarayeen Brighton sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here