Waa Kuma Laacibka Ka Tirsan Manchester United Ee Qirtay Inuu Ahaa MUSIIBADA Sababtay Guul-darradii Everton?

0
49

Manchester United ayaa shalay la kulantay guul-darradii ugu weynayd ee horyaalka Premeir League tan iyo intii uu xilka qabtay Ole Gunnar Solskjaer, waxaana 4-0 ku burburisay Everton oo garoonkeeda Goodison Park kula ciyaartay.

Tababare Solskjaer ayaa saddex isbeddel ku sameeyey shaxdii uu Arbacadii hore kula ciyaaray Barcelona oo iyaduna 3-0 ugu soo dhiibtay Camp Nou, waxaana uu kusoo bilaabay Nemanja Matic oo kasoo laabtay dhaawac, Romelu Lukaku iyo Dalot, waxaana bannaanka u baxay Ashley Young, McTominay iyo Lingard.

Markii ay jamaahiirta Red Devils arkeen shaxda uu tababarahoodu kulankan usoo xushay, waxay muujiyeen ifafaale farxadeed oo ahayd inay guul ku helayaan Goodison Park, kana soo kabanayaan guul-darrooyinka iska soo daba-noqday ee waji gabaxa ku riday Solskjaer tan iyo intii shaqada sida rasmiga ah loogu dhiibay.

Daqiiqaddii 13aad ayuu weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison gool laba-lugoodis ah u saxeexay Everton, waxaana mid kale ku daray Sigurson oo sababay in qaybta hore lagu kala baxo 2-0, hase yeeshee markii lagu soo laabtay qaybt labaad ayay Lucas Digne iyo Theo Walcott u raaciyeen laba kale oo ay ciyaartana ka dhigeen 4-0 ay Manchester United far dhaqaajin kari wayday.

Bandhigga guud ee Manchester United ayaa ahaa mid aad u liita oo quus ka dhigay halyeeyadii hore ee kooxda ee fadhiiyey telefishannada SKY SPORTS iyo BBC Sports, kuwaas oo tilmaamay in aanay u muuqanin wax rajo ah oo ay ka qabaan in kooxdu kasoo baxdo burburkan ay ku jirto.

Haddaba mid ka mid ahaa ciyaaryahannadii safka koowaad ee shalay u ciyaarayey Manchester United ayaa qirtay inuu isagu ahaa dhibaatada iyo musiibada haleeshay kooxda kulankii Everton, waxaana uu tilmaamay in uu si buuxda dhabarka u saaranayo masuuliyadda khasaarahan weyn.

Daqiiqaddii 28aad, goolkii uu dhaliyey Gylfi Sigurdsson, waxa uu goolka United ka toogtay masaafo 20 yard ah, laakiin haddii uu dedaal samayn lahaa laacibka reer Serbia ee Nemaja Matic ma dhalan lahayn kubaddaasi.

“Waxyaabo badan ayaan noo shaqaynin maanta (shalay). Ugu horreyn waxay ahayd qaabkii aanu u hujuumaynay. Waxay ila tahay in anigu aan ahaa ciyaartoyga ugu khibradda badan ee aan sida fiican u ciyaarin. Markaa looma baahna in la eedeeyo laacibiinta da’da yar, sababtoo ah, aniga ayaa ahaa dhibaatada ugu weyn ee kooxda.” Sidaas waxa yidhi Nemanja Matic oo si buuxda u qirtay inuu ahaa dhibaatada heshay Man United.

“Ciyaarahan noocan ah, waa inaad ku guuleysato dagaalka khadka dhexe, kaddib kooxdu kubbad fiican ayay ciyaari kartaa, laakiin maanaan samaynin taas.” Ayuu mar kale yidhi Matic.

Kubbad-burburiyaha reer Serbia waxa kale oo uu tilmaamay inay ku dedaali doonaan in kulamada soo socda ay si fiican u ciyaaraan si ay afarta ugu sarreeya uga mid noqdaan, laakiin waxa uu qiray in Man City ay ku adkaan doonto.

“Waxaanu isku dayi doonaa inaanu maalmaha soo socda wax wanaagsan samayno. Waxa nagu soo wajahan ciyaarta weyn ee Manchester City, markaa waynu arki doonaa haddii aanu diyaar u noqonno.” Ayuuu raciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here