Waa Immisa Mushaharka Ay Man United U Soo Bandhigeyso Gareth Bale Si Ay Amaah Ugula Wareegaan?

0
38

Gareth Bale ayaa waxaa isha la raaceysa Manchester United kuwaasoo lagu waramayo inay diyaar u yihiin inay mushahar ahaan u siiyaan 480 kun ginni isbuucii iyagoo isku dayaya inay xiddiga reer Wales amaah ahaan uga soo qaataan kooxda Real Madrid.

29 jirkaan ayaan laga jecleyn Bernabeu, iyadoo la rumeysan yahay in tababare Zinedine Zidane uusan u arkin inuu qeyb ka yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka danbe.

Si kastaba, Madrid ayaa ku dhibtooneysa inay hesho koox iibsata, waxaana wararkii soo baxayay bishii May ay sheegayeen inaysan weli wax dalab ah u helin iyadoo Bale lagu qiimeynayo 75 milyan ginni.

Waxaana jira dagaal u dhaxeeya ciyaaryahanka iyo kooxda, iyadoo Bale uu u sheegay wakiilkiisa inuu ku wargeliyo Madrid inuu doonayo inuu sii joogo caasimada Spain.

Iyadoo Luka Jovic iyo Eden Hazard ay heshiisyo qaali ah ugu wareegeen kooxda reer Spain, waxaa sii yaraaneysa fursada uu Bale ka heli karo tababare Zidane xilli ciyaareedka danbe.

si kastaba, Madrid ayaa heli karta rabitaankooda ah inay iska meeleeyaan Bale waxaana ay uga mahadcelinayaan Manchester United.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mirror, Man United ayaa qorsheyneysa inay heshiis amaah kula wareegto xiddiga garabka ka ciyaara islamarkaana ay bixiso lacagaha lagama maarmaanka ah.

Markii hore waxa ay Red Devils dooneysay inay hal xilli ciyaareed amaah ku heysato laakiin waxa ay awood u yeelan doonaan inay xilli ciyaareed labaad amaah ku sii heystaan. Waxay taasi ka dhigan tahay inay bixin doonaan mushaharkiisa oo gaaraya 480 kun ginni isbuucii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here