UEFA Oo Shaacisay Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Finalka Europa League Ee Arsenal vs Chelsea

0
13

UEFA ayaa garsooraha Talyaaniga Gianluca Rocchi u dooratay inay dhexdhexaadiyo kulanka finalka Europa League ee u dhaxeeya kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Rocchi oo 45 sanno jir ah ayay FIFA u xulatay Koobkii Adduunka ee 2018 ka dhacaya Russia isagoo dhexdhexaadiyay seddex kulan oo ay ku jirtay kulankii barbaraha 3-3 ee Spain iyo Portugal.

Waxa uu ahaa garsoore heer caalami tan iyo 2008, waxaana uu xilli ciyaareedkan in badan garsoore ka ahaa Champions League isagoo dhexdhexaadiyay lix kulan.

Waa markii ugu horeysay ee uu Rocchi qabto kulanka finalka Europa League, iyadoo markii ugu danbeysay ee uu kulan Europa League ah dhexdhexaadiyo ay aheyd kulankii ay Manchester United k badisay Ajax sannadii 2017.

Waxa uu sidoo kale ahaa garsooraha afaraad markii ay Atletico Madrid waqtiga dheeriga ay 2-1 kaga badineysay Fulham.

Arsenal ayaa gaartay finalka Europa League ka dib markii ay wadar ahaan 7-3 ku garaacday Valencia halka Chelsea ay rigoore uga soo gudubtay kooxda Jarmalka ee Frankfurt.

Taageerayaasha labada kooxood ayaa ka careysan in kaliya koox walba la siiyay lix kun tikidh, halka safarka ay uga tagayaan London uu ku baxayo kun ginni.

Garsooraha Talyaaniga ayaa ciyaarta dhexdhexaadin doona 29ka bisha May iyadoo finalka lagu qabanayo caasimada Azerbaijan ee Baku.

Kulanka finalka Europa League waa kulankii ugu horeysay ee Europa League ah ee loo adeegsado muuqaal caawiyaha VAR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here