Tartanka Kubadda cagta kulliyadaha Jaamacadda Horyaal oo lasoo gabagabeeyay… + SAWIRRO

0
78

(Muqdisho) 05 Juunyo 2019. Waxaa magaalada musqisho lagu soo gabagabeeyay Tartanka Kubadda cagta kulliyadaha Jaamacadda Horyaal.

Waa tartan loogu tala galay in sare loogu qaado is dhexgalka dhallinyarada, kaas oo lagu qabtay Salaxa Bar Italia inta lagu gudi jiray bisha barakeysan ee ramadaan.

Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badan oo dadbadan ay u soo daawasho tageen ayaa isniintii ee taariikhdu ahayd 3-da bisha lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho.

Kulnkii ugu dambeeyay ee tartankan waxaa wada ciyaaray kulliyadaha kala ah Agriculture semester 8 iyo Computer Science Semester 2, waxaana laga adkaaday kuliyada Agriculture.

Kulankan ayaa markii hore laa saadaalinayay in Agriculture ku guuleysan doonto, balse ma aysan dhicin waxaa 3 – 2 ku adkaaday Computer Science semester 2.

Tartankan int uu socday waxaa kasoo qayb galay tartanka Madaxda jaamacadda qaybaheeda kala duwan, macallimiinta, ardayda jaamacada intooda badan iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here