Tababare Maurizio Sarri Oo War Kasoo Saaray Dhaawacii Shalay Gaadhay N’Golo Kante, Miyuu Taam U Noqon Doonaa Kulanka Muhiimka Ah Ee Semi Final-ka Europe League?

0
51

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa war kasoo saaray xaalada dhaawacii soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee N’Golo kante intii lagu jiray kulankii ay shalay guusha weyn ka gaadheen kooxda Watford.

N’Golo ayaa ku qasbanaaday inuu dhaawac muruqa ah u baxo iyadoo kaliya kulankii shalay socday 10 daqiiqo waxaana lagu bedelay da’yarka Ruben Loftus Cheek oo isagu gool dhaliyay qaybtii dambe.

Sarri oo saxaafada u warramay kulanka kaddib ayaa hadal aan u wanaagsanayn jamaahiirta Blues u sheegay saxaafada waxaana uu shaaciyay in Kante ay u badan tahay inuu seegi doono labada kulan ee soo socda ee Frankfurt iyo Leicester City.

Chelsea oo barteeda Twitter-ka ku shaacinaysay hadalka Sarri ayaa soo daabacday “Sarri waxa uu soo wariyay in N’Golo Kante uu u dhibtooday dhaawac muruqa ah waxaana uu qirtay in maanta ay ahayd in la nasiyo inkasta oo ay taasi ku adagtahay ciyaartoyda muhiimka ah, Waxa uu intaas ku daray in Kante ay ku adkaan doonto inuu ciyaaro labada kulan ee xiga”

Haddiiba ay Chelsea ku guuldarraysato inay kulanka afar dhammaadka Europe League dhaafto Frankfurt ayay Kante u noqon doontoo inuu soo ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Dhinaca kale shalay ayay Chelsea guusha ay gaadhay ku xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe waxaana ay haatan hal dhibic ka sarreeyaan kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Tottenham oo ay booska saddexaad ka qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here