Taageerayaasha Real Madrid oo doortay heshiisyada ay u baahan tahay kooxda xagaagan

0
18

(Spain) 18 Maajo 2019.Taageerayaasha Real Madrid ayaa qeexay heshiisyada ay muhiim tahay in kooxda ay sameyso inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda, si naadiga loo xoojiyo.

Doorashada ay sameeyeen taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa waxay timid, kaddib cod uruurin uu sameeyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, waxaana ka qeyb qaadatay codeyntan 55 kun oo qof.

Waxaa jira ciyaartoy dhowr ah ee dhawaan lala xiriiriyay koodaReal Madrid, waxaana ka mid ah Eden Hazard, Paul Pogba, Christian Eriksen, Luka Jović, Tanguy Ndombele iyo Neymar Jr, waxaana hubaal ah in ciyaartoydan aysan kooxda ku biiri karin dhamaantood.

Wargeyskan oo fadhigiisu yahay magaalada Madrid ayaa wuxuu soo bandhigay dhamaan magacyada kor ku xusan, wuxuuna taageerayaasha ka codsaday inay ka doortaan heshiisyada muhiimka u noqon kara kooxda.

Xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa helay codadka ugu badan ay dhiibteen 55 kun taageere ee ka qeyb gashay codeyntan, isagoo codad badan ka sara maray xidiga booska labaad galay.

Warar badan ayaa sheegaya in ku biirista Hazard ee kooxda Real Madrid ay tahay arin ku xiran kaliya wakhti, iyadoo heshiiska lagu soo gaba gabeyn doono 100 milyan euro, wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis 5 sano ah.

Hadaba qaabka ay cododka u kala heleen xidigaha lala xiriirinayo Real Madrid, kaddib codeyntii ay dhiibteen taageerayaasha kooxda ayaaa kala ah.

1- Eden Hazard: 53,000 oo cod.

2- Luka Jović: 34 kun oo cod.

3- Christian Eriksen: 25 kun oo cod.

4- Neymar Jr: 17 kun oo cod.

5- Tanguy Ndombele: 16,000 cod.

6- Paul Pogba: 13,000 oo cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here