Taageerayaasha Chelsea Oo Bandhigay Xiddiga Ay La Doonayaan Maaliyada No.10 Ee Uu Ka Tagay Hazard & Kooxda Oo La Rabta Ciyaaryahan Kale

0
53

Christian Pulisic ayaa soo jiidanaya taageerayasha Chelsea madaama uu wacdarro ka dhigayo tartanka Gold Cup ee xulkiisa Marekanka uu qeyb ka yahay.

Pulisic ayaa qaab ciyaareed aad u fiican soo bandhigay koobka Gold Cup taasoo ay si weyn uga heleen jamaahiirta kooxda Blues.

 

Pulisic ayaa tababar la bilaabi doona Chelsea marka ka qeyb galkiisa tartanka bartamaha iyo waqooyiga America uu soo dhamaado, waxa uu xitaa ku fekerayaa inuu soo gaabiyo fasaxiisa si uu xilli hore tababare u la bilaabo Blues.

20 jirkaan ayaa u sameeyay labo caawin islamarkaana dhaliyay hal gool xulka Mareykanka, taasoo ka dhigtay taageerayaasha Chelsea kuwa ku faraxsan saxiixooda cusub.

Jamaahiirta Chelsea ayaana bilaabay olole ay ugu baaqayaan kooxda in lambarka Hazard la siiyo Pulisic halkii la siin lahaa Callum Hudson Odoi.

Chelsea ayaa lagu waramayaa inay lambarka 10aad u soo bandhigeyso Hudson-Odoe si ay uga dhaadhiciyaan inuu sii joogo Stamford Bridge oo uu qandaraas cusub u saxiixo iyadoo qandaraaskiisa haatan ay ka harsan tahay hal sanno.

Madaama uu Eden Hazard u wareegay Real Madrid maaliyada lambarka 10aad ayaa diyaar u ah midkood Pulisic ama Hudson-Odoi, iyadoo taageerayaasha ay doonayaan inuu xirto xiddiga Mareykanka.

Chelsea ayayna ku xiran tahay inay go;aansato in xiddiga bedelaya Hazard uu sidoo kale dhaxlo maaliyadii uu ka tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here