Sidee Ayuu Paul Pogba Saameyn Ugu Yeeshay Heshiiska Uu Matthijs de Ligt Ugu Biirayo Kooxda Juventus

0
21

Inkastoo Paul Pogba uu ku dhibtoonayo inuu ka tago Manchester United xagaagan, ciyaaryahanka kale ee uu wakiilka u yahay Mino Raiola ayaa ku dhow inuu heshiis weyn ku wareego.

Matthijs de Ligt ayaa ugu danbeyn u wareegayo kooxda Talyaaniga ee Juventus inkastoo ay Barcelona isku dayday xili danbe inay afduubato saxiixiisa.

Sidee Ayuu Paul Pogba Saameyn Ugu Yeeshay Heshiiska Uu Matthijs de Ligt Ugu Biirayo Kooxda Juventus

De Ligt ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Juventus isbuucaan isagoo heshiis 60 milyan ginni ah ugu wareegaya, waxaana la filanayaa in Juventus ay heshiiska shaaciso sida ugu dhakhsiyaha badan.

Sida ay sheegtay wargeyska Isbaanishka ee Marca, Raiola ayaa si weyn ugu baahnaa inuu qandaraaska De Ligt ee Juve ku darro lacag lagu burburin karo qandaraaskiisa si uusan ciyaaryahankaan u wajihin dhibaatada uu haatan wajahayo xiddiga kale ee uu wakiilka u yahay ee Pogba.

Xiddiga Faransiiska ee qaaday Koobka Adduunka Pogba ayaa doonayay inuu xagaagan ka tago Old Trafford laakiin Man United ayaa diidan inay iibiso iyagoo duldhigay ciyaaryahanka lacag gaareysa 150 milyan ginni.

Raiola ayaa muhiimad ka dhigtay inuu Pogba u raadiyo koox cusub iyadoo Real Madrid iyo Juventus ay la socdeen xaaladiisa, laakiinwaxaa labada kooxoodba ku adkaatay inay wadahadal mirodhal ah la galaan United.

Madaama Pogba iyo United aysan arintooda xal laheyn, Raiola ayaa ku adkeystay in heshiiska De Ligt ee Juventus lagu darro lacag lagu burburin karo qandataaskiisa si looga fogaado ku celiska xaalada Pogba oo kale.

Waxaa qandaraaska De Ligt ee Juventus lagu daray in heshiiskiisa kooxda Talyaaniga lagu burburin karo 135 milyan ginni wixii ka bilowda xagaaga 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here