Shaxdaan Ayuu Frank Lampard Doonayaa Inuu Ku Qaado Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka 2020-21

0
72

Chelsea ayaa koox xoogan la soo shirtagi karta xilli ciyaareedka 2020-21 iyadoo Wilfried Zaha, Philippe Coutinho iyo Mauro Icardi ay dhamaantood qeyb ka yihiin qorshayaasha Frank Lampard.

Advertisements

Kooxda Blues ayaa haatan xayiraad ay ka saaran tahay suuqa kala iibsiga, mana la soo wareegi karaan xiddigo cusub ilaa iyo xagaaga danbe, laakiin waxa ay durbaba sii qorsheysteen xiddigaha ay doonayaan xagaaga soo socda, sida ay qortay jariirada The Sun.

Liiska tababaraha cusub Frank Lampard waxaa u sareeya xiddiga doonaya inuu ka tago Crystal Palace Zaha laakiin waxaa sidoo kale liiskiisa ku jira Coutinho iyo Icardi.

Arsenal ayaa xagaagan si weyn u ceyrsaneysa Zaha laakiin Palace ayaan ka soo dabcin qiimaha ay dooneyso ee 80ka milyan ginni oo ah lacag aysan awoodin Arsenal.

Wargeyska Telegraph ayaa sheegaya in kooxda Crystal Palace ay dooneyso inuu Zaha u wareego Chelsea madaama ay hantidooda ugu qaalisan sii heysan karaan xilli ciyaareed kale.

Haddii Chelsea ay ku guuleysato inay keento Zaha iyo xiddiga Barcelona Coutinho iyo weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi, markaas Blues waxa ay heli doontaa shax aad u adag.

Kepa Arrizabalaga ayaa goolka ku soo bilaaban doona, halka Reece James uu sannad hadda ka dib diyaar u noqon doono inuu xajisto booska daafaca midig.

Cesar Azpilicueta ayaa loo soo gudbin doonaa booska daafaca dhexe oo uu ka ciyaarayay in muddo ah markii ay Chelsea ku ciyaareysay seddex daafac danbe.
Antonio Rudiger ayaa noqon doona daafaca koowaad ee shaxda iyadoo Emerson uu ka dheeli doono booska daafaca bidix.

Advertisements

Coutinho ayaa markaas khadka dhexe ka garab ciyaari kara N;Golo Kante iyo Jorginho, iyadoo Ruben LoftuspCheek, Mason Mount, Ross Barkley iyo Mateo Kovacic ay noqon doonaan xiddigo u tartama booska khadka dhexe.

Icardi iyo Zaha ayay hubaal tahay inay ku soo bilaaban doonaa seddexda boos ee afka hore waxaana kula soo biiri doona midkood Chrristian Pulisic ama Callum Hudson Odoi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here