Seddexda Xiddig Ee Man United Diirada U Saaran Ee Uu Kula Taliyay Jose Mourinho

0
23

Manchester United ayaa bartilmaameedsaneysa seddex ciyaaryahan oo uu u soo jeediyay Jose Mourinho xagaagan, sida ay sheegayaan wararka qaar.

Tababarihii hore ee Red Devils Jose Mourinho ayaa la ceyriyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaana si ku meel gaar ah u bedelay Ole Gunnar Solskjaer ka hor inta aan shaqada si joogta ah loo siinin.

Solskjaer ayaa cadaadis ugu jira inuu xoojiyo kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka cusub iyadoo United ay dooneyso inay soo kabsato oo ay u soo baxdo Champions League.

Ilaa iyo haatan tababaraha reer Norway waxa uu la soo wareegay hal ciyaaryahan isagoo 18 milyan ginni ka soo bixiyay xiddigii garabka uga ciyaarayay Swansea City ee Daniel James.

United ayaa lala xiriiriyay ciyaartoy dhowr ah oo ka ciyaarta boosaska kala duwan, seddex ka mid ah waxaa ka soo shaqeeyay Jose Mourinho ka hor inta uusan kooxda ka tagin.

Sida ay ku warameyso jariirada The Sun, Harry Maguire ayaa loo calaamadiyay daafac tayo leh iyo xiddiga diirada u saaran kooxda xagaagii hore, iyadoo xitaa tababaraha reer Portugal uu ku amray raga kala shaqeeya suuqa kala iibsiga inay soo indha-indheeyaan daafaca dhexe.

Red Devils ayaase awoodi weysay xagaagii hore qiimaha ay dalbatay Leicester City laakiin waxaa weli lala xiriirinayaa daafaca iyada madaxa maamulka kooxda Ed Woodward lagu waramayo inuu doonayo inuu keeno United.

Labada ciyaaryahan kale ee weli United diirada u saaran islamarkaana Mourinho uu ku taliyay waa xiddigaha West Ham Declan Rice iyo Issa Diop.

United ayaa dhawaan waxa ay West Ham ka heshay dalab midkooda lidi ku ah iyagoo soo jeediyay in Anthony Martial ay ku bedeshaan 22 jirka Diop. Red Devils ayaa durbadiiba waxa ay diiday dalabkaas.

West Ham ayaa qiimo gaaraya 75 milyan ginni ku doonaysa daafaca dhexe taasoo ka dhigan in United aysan awoodin qiimaha Diop.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here