Saxeex Cusub Oo Real Madrid Ah Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay, Mudada Uu Maqnaan Doono & Ciyaartoyga Madrid Ka Tirsan Ee Ay Fursada U Tahay.

0
19

Saxeexa cusub ee kooxda Real Madrid ee Ferland Mendy ayay haleeshay dhibaato dhaawac xilli uu kamid yahay safka kooxdiisa ee dalka Maraykanka u jooga ka qayb qaadashada ICC Cup isla markaana isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub.

Advertisements

Mendy ayaa kooxdiisa matalay kulamadii saaxiibtinimo ee ay la ciyaartay kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal balse haatan ayuu qaaday dhaawac bawdada ah kaas oo in mudo ah garoomada u diidi doona.

Mendy ayaa ka cabanaya dhaawac muruq kaas oo gaadhay qaybta gudaha ee bowdadiisa midig sida lagu sheegay warbixin caafimaad oo kooban oo ay Real Madrid shaacisay shalay oo Khamiis ahayd.

Qiyaastii, Qiimaynaha hordhaca ah iyo wararka ilaa haatan la helayo ayaa sheegaya in daafacii hore ee kooxda Lyon uu maqnaan doono mudo bil ah.

Mendy ayaa kusoo bilawday kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ay guusha ka gaadhay Arsenal balse waxa uu seegi doonaa kulanka ugu dambeeya ee ay Maraykanka kula yeelan doonaan Atletico Madrid iyo waliba tartanka Audi Cup.

La’aanta daafacan ree France, Marcelo ayaa noqonaya daafaca bidix ee kaliya ee haatan kooxda diyaar ku ah marka si kale loo eegona waa fursad usoo baxday daafaca ree Brazil.

Advertisements

Marcelo ayaa xilli ciyaareedkii hore muujiyay hoos u dhacyo isaga oo marar badan kursiga keydka galay balse haatan ayuu heli karaa fursad uu ilaa horraanta xilli ciyaareedka si buuxda u xaqiijisto markale booskiisa.

Dhirbaaxadan kale ee soo gaadhay Los Blancos ayaa ah mid imanaysa maalin kaddib dhaawacii argagaxa lahaa ee ku dhacay Marco Asensio kaas oo qiyaastii sagaal bilood maqnaan doona iyo waliba Mariano Diaz oo seegaya inta ka dhiman is diyaarinta xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here