Saddexda Magac Ee Ku Jira Liiska Man United Si Ay Ugu Buuxiso Booska Paul Pogba Oo La Ogaaday

0
29

Kooxda Man United ayaa u muuqata uwo ka fikiraya bixitaanka Paul Pogba ee xagaagan iyaga oo calaamadsaday 3 xiddig oo khadka dhexe ah oo ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan kuna buuxiyaan booska xiddiga baxsadka ah.

Pogba ayaa Man United ku soo laabtay xagaagii 2016 isaga oo ugu soo biiray 89 milyan oo euro laakiin haatan shaki ku tuuray mustaqbalkiisa kadib markii uu qirtay in uu doonayo tartan cusub.

Waxa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha Juventus iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya adeegiisa kadib dhaleecayn xoogan oo uu la kulmay kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Hadii uu Paul Pogba isaga tago kooxda Solskjaer ayaa doonaya in uu sida ugu deg-dega badan ula soo saxiixdo badalkiisa isaga oo diyaarsaday 3 xiddig oo khadka dhexe ah.

Youri Tielemans, Christian Eriksen ama James Maddison ayaa ah xiddigaha ugu sareeya Liiska tababaruhu uu doonayo si uu ugu buuxiyo booska Paul Pogba,

Tielemans ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Amaahdii uu kula joogay Leicester City xilli ciyaareedkii hore halka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Maddison soo bandhigay qaab cajiib ah.

Kubad sameeyaya Tottenham ee Eriksen ayaa dhankiisa bartilmaameed wakhti dheer u ah Man United waxana uu si cad u qirtay in uu doonayo in uu isaga tago Tottenham xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here