Roberto Carlos  “Real Madrid Ayaan ku laabtay Si aan u Caawiyo Zinedine Zidane

0
61

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa ka shaqaynaya sidii uu xassilooni ugu soo celin lahaa kooxda, waxaana uu kulankiisii ugu horreeyeyba ku bilowday guul uu kasoo hooyey Celta Vigo oo ay ku martigaliyeen garoonka Santiago Bernabeu.

Kulankaas kaddib, waxay inta badan ciyaartoyga Real Madrid u tageen qaramadooda oo ay kala qayb-gelayaan ciyaaraha caalamiga ah, fursadna iskuma helin tababare Zidane, balse waxa uu haystaa laacibiin kale oo tababarka uu ku siinayo xarunta Valdebebas oo aan looga yeedhin qaramadooda.

Tababarkii Arbacadii, waxa Zidane uu helay garab iyo caawimo dheeraad ah oo tababarkii kala qayb qaatay, waana halyeygii hore ee Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Roberto Carlos.

Carlos ayaa Zidane la bixiyey casharradii tababarka, sida jidh-dhiskii iyo qiimayn dheeraad ah oo laacibiinta lagu samaynayey xilligii ay tababarka ku jireen.

Wargeyska Marca ayaa tababarkii kaddib baahiyey sawirka Zidane iyo Carlos, waxaanu ku sheegay in halyeyga reer Brazil uu tababaraha caawinayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here