Robbie Savage Oo Saadaal Ka Bixiyay  Kulanka Anfield

0
97

Ciyaariyahankii hore kooxda Blackburn Rovers Robbie Savage ayaa sadaal ka bixiyay kulamada laga ciyaarayo horyaalka Ingiriiska isbuucaan, wuxuuna aaminsan yahay in Manchester City ay hogaanka horyaalka la wareegi doonto iyadoo kulan baaqi ah gacanta ku heysata.

Kooxda difaacaneysa Premier League haatan waxey 2-dhibcood ka hooseysaa Liverpool oo kulan ka horreysa, balse kooxda Jurgen Klopp waxey kulan adag berito kula balansan yahiin gurigooda kooxda Spurs.

Natiijada Spurs waxey ka dhigan tahay iney kaalinta 4-aad usoo dhici doonto sida uu sadaashiisa ku dhiibtay Savage, wuxuuna booska saddexaad isbuucaan siiyay Arsenal oo la ciyaari doonta kooxda Newcastle United.

Dhinaca kale Robbie Savage wuxuu guul siiyay Ole Gunnar Solskjaer kaas oo maanta kulankiisii ugu horreeyay isagoo joogto ah maamulaya Manchester United, waxeyna la ciyaari doonaa Watford.

SAADAASHA ROBBIE SAVAGE:

Fulham 0-3 Man City

Brighton 1-0 Southampton

Burnley 1-1 Wolves

Crystal Palace 2-0 Huddersfield

Leicester 2-1 Bournemouth

Man Utd 3-1 Watford

West Ham 2-1 Everton

Cardiff 0-2 Chelsea

Liverpool 2-2 Tottenham

Celtic 1-2 Rangers

Arsenal 2-0 Newcastle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here