Real Madrid Oo Xoojisay Qorshihii Ay Ku Doonaysay Sadio Mane

0
96

Kooxda kubadda Cagta Real Madrid ayaa sare u qaadday qorshaha ay ku doonayso laacibka reer Senegal ee afka hore uga ciyaara  Liverpool ee Sadio Mane.

Los Blancos ayaa la sheegay inay u bandhigtay Liverpool inay kala doorato saddex ciyaartoy oo ka tirsan xiddigaha kooxda reer Spain, kuwaas oo qaarkood horeba loola xidhiidhiyey in Merseyside ay xiisaynayso.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa wax walba u samaynaysa sidii ay u heli lahayd Mane, waxaanay diyaar la tahay lacag badan iyo ciyaaryahanno qayb ka noqda qorshaha iibka.

Wargeysku waxa uu sheegay in Real Madrid ay u bandhigtay Liverpool inay kala doorato Gareth Bale, Marco Asensio ama James Rodriguez oo amaah ugu maqan Bayern Munich.

Wargeysku ma caddaynin in Liverpool ay jawaab ka siisay Real Madrid qorshahan, hase yeeshee wargeyska kale ee Marca ayaa waxa uu daabacay war uu ku sheegay in xiddiga reer Senegal uu doonayo inuu ku biiro kooxda reer Spain, uuna ku cadaadin doono Liverpool inay ogolaato dalabyada laga soo gudbinayo marka uu furmo suuqa iibka ee xagaaga.

Liverpool oo aan ku qancin saxeexyadii ay xagaagii hore samaysay ee Xherdan Shaqiri iyo Naby Keita ayaa la sheegay inay ku adkaan doonto inay fasaxdo Sadio Mane, hase yeeshee haddii ay Real Madrid miiska keento Bale, Asensio ama James iyo lacag kaash ah, waxay Reds aqbali kartaa dalabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here