Real Madrid Oo Gabi ahaan laga reebay Tartanka Champions League

0
62

Real Madrid waxay xalay u ahayd habeen madow isla markaana ayna abid ilaawi doonin kadib markii ay kooxda Ajax soo gashay Santiago Bernabeu isla markaana ay guuldaro 4-1 ah ku baday Real Madrid. Ajax ayaa ka soo kabsatay guuldaradii 2-1 ka ahayd ee kulankii lugtii hore waxayna awooday in kooxda reer Holland ay siddeed dhaamadka ugu soo baxday wadarta labada kulan oo dhan 5-3.

Ajax ayaa noqotay koodii abid ugu horaysay ee 18 kii daqiiqo ee kulankii Bernabeu laba gool hogaanka kaga qabtay Real Madrid kulan Champions League ah waxaana goolashan dhaliyay Hakim Ziyech iyo David Neres, kuwaas oo noqday goolasha ayna Madrid ka soo kabsan kari wayday.

Inkasta oo uu Marco Asensio gool ku soo yara celiyay rajadii Real Madrid, haddana Dusan Tadic ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Madrid culayskii haystay ku sii laba jibaaray laakiin waxay sheekadu soo dhamaatay markii  Lasse Schone uu goolka afraad ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu Courtois kaga yaabsaday.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Ajax waana qiimayn si buuxda looga fahmi karo musiibadii Real Madrid ku habsatay.

XIDIGII GAROONKA: Ciyaartoy kasta oo Ajax ahi waxa uu u qalmay in uu noqdo xidigii garoonka ugu fiicnaa marka loo qiimeeyo wixii ay Bernabeu ka sameeyeen, laakiin waxaa si dhab ah magiciisa taariikhda ugu qoray  Dusan Tadic kaas oo noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa.

 Dusan Tadic ayaa Real Madrid dhulka la simay kadib markii uu caawiye ka noqday labadii gool ee hore isla markaana uu raaciyay goolkii saddexaad laakiin ilaa hadda waxaa lays waydiinayaa qaabkii uu caawinta u sameeyay goolkii labaad ee uu ciyaartoyda Madrid dariiqa uga dhigtay.

 Dusan Tadic ayaa rekoodho khaas ah looga diwaan galiyay kulankii Real Madrid wuxuuna sidaa ku noqday xidigii garoonka iftiiminayay. Laakiin dhamaan ciyaartoyda  Ajax ee kulankan ku soo bilawday ayuu midka ugu liitaa helay qiimayn 7 darajo ah taas oo la micno ah in xidig kasta oo ku soo bilawday uu helay 7/10 ilaa 10/10 oo uu helay xidiga garoonka ugu fiicnaa.

Fashilkii Iyo Ceebtii Ciyaartoyda Madrid:

Min goolhaye Courtois ilaa Karim Benzema, waxay ka siman yihiin fashilka aan cudur daarka lahayn ee ay kala soo muuqdeen Bernabeu laakiin waxaa ugu sii liita oo qiimaynta ugu xun helay Nacho iyada oo inta ugu badan xidigaha Madarid ay heleen qiimayn 4 darajo ah taas oo la micno ah in min 3/10 ilaa 5/10 ay qiimaynta ciyaartoyda Madrid u dhexayso.

Marco Asensio oo kaydka ka soo baxay oo kaliya ayaa helay qiimayn 6 darajo ah waana xidiga goolka kaliya ee ay Madrid dhalisay kulankan rajada woxogaa mar ku soo celiyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Ajax:

Real Madrid: Courtois (4), Carvajal (4), Varane (5), Nacho (3), Reguilon (4), Modric (5), Kroos (5), Casemiro (4), Vinicius Jr (4), Vasquez (4), Benzema (5).

Badalkii: Bale (5), Asensio (6), Valverde (n/a).

Ajax: Onana (7), Mazraoui (8), De Ligt (9), Blind (8), Tagliafico (8), Van de Beek (8), Schone (8), De Jong (8), Ziyech (8), Tadic (10), Neres (7).

Badalkii: Dolberg (5), De Wit (5), Veltman (n/a).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here