Wednesday, July 17, 2019
Home Yurub RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaagan

RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaagan

0
18

Liverpool ayaa heshiis kala gaartay kooxda reer Holland ee PEC Zwolle saxiixa daafaca Sepp van den Berg kaasoo la dhameystiri doonaa bisha July marka si rasmi ah uu u furmo suuqa kala iibsiga caalamiga ah.

17 jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa qandaraas muddo dheer ah u saxiixay Liverpool ka dib markii Reds ay heshiis la gaartay kooxda ka ciyaarta horyaalka Holland ee Eredivisie.

Van den Berg, oo ay sidoo kale dooneysay Bayern Munich ayaa noqday saxiixii ugu danbeeyay ee Anfield iyadoo Jurgen Klopp uu indhaha ku hayo mustaqbalka kooxda.

Da’ yarkaan ayaa ku imaanaya saxiix ciyaaryahan weyn laakiin waxaa la filayaa inuu tababar la bilaabo akadeemiga ka hor inta uusan xilli danbe xilli ciyaareedka soo socda ku biirin kooxda koowaad.

Lacagta ay Reds ku iibsatay daafaca da’ yar ayaa gaari doonta 4.4 milyan ginni iyadoo ay lacagtaas ku xirnaan doonto inuu safto 350 kulan.

Van den Berg ayaa u sheegay website-ka kooxda: “Waan dareen cajiib ah. Aniga ahaan waxa ay ii tahay kooxda ugu weyn dunida, waa riyo ii rumowday. Aad ayaan u faraxsanahay.

“Waxaan arkay ciyaartoyda qaar ka soo baxay akadeemiga ee ka mid noqday kooxda koowaad. Waa wax aan la rumeysan karin marka koox weyn ay sidaas sameyso.

“Dabcan tababaraha waa nin weyn, waana sababta ay Liverpool guulaha u gaarto – waana mid ka mid ah sababaha aan halkaan u imid.

“Waxaan qabaa in halkaan ay tahay meesha ugu fiican ee aan horumar ku gaari karo, waxaana rajeynayaan inaan kulamo badan ciyaaro”

Van den Berg ayaa 15 kulan saftay horyaalka heerka koowaad ee Holland xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo ka caawiyay kooxda Zwolle inay ku dhameysato kaalinta 13aad.

Waxa uu sidoo kale u ciyaaraa xulka Holland ee da’dooda ka hooseyso 19 jirada isagoo ilaa iyo haatan u saftay afar kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here