RASMI: Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay In Mohamed Salah Uu Maqnaanayo Kulanka Barcelona Ee Habeen Danbe

0
24

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shir jaraa’id ku xaqiijiyay in labadiisa xiddig ee muhimka ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino inay seegayaan kulanka habeen danbe ee Anfield ay kula ciyaarayaan Barcelona.

Salah ayaa shoog maskaxeed uu soo gaaray ka dib jug madaxa ka soo gaartay kulankii Newcastle waana sababta uu u seegayo kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League.

Roberto Firmino ayaa isna la maqan dhaawac gumaarka ah mana dheeli doono kulanka habeen danbe ee Anfield iyadoo Liverpool ay u baahan tahay inay ka soo kabsato guuldarro 3-0 oo la soo baday lugtii hore.

Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa;id ayaa yiri: “Labadaba Salah iyo Firmino ma ciyaarayaan berri.

“Salah waxaa ku dhacay shoog maskaxeed. Taasoo la micno ah inaan loo ogoleyn inuu ciyaaro.

“Laakiin hamigeenu waa inaan isku dayno inaan badino.

“Xaalada aan ku jirno ma ahan xaalada aad dooneysid inaad ku jirto lugta labaad.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan badino kulanka oo aan helno natiijo ina soo saareysa.

“Waxaa jirta fursad yar oo aan xilli ciyaareedka ku sii dheereysan karno. Waxaan qabaa inaan u dabaaldegno labada kulan ee ugu danbeysa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here