Pep Guardiola oo ka hadlay wararka ku aaddan in kooxda Manchester City laga ganaaxi doono Champions League

0
23

(England) 18 Maajo 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka ku aadan in kooxdiisa ay ganaax kala kulmi doono xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ee UEFA, kaasoo ah inaysan ka qeyb gali doonin tartanka Champions League xilli ciyaareedka cusb, sababa la xiriira inay jabiyeen sharciyada dhaqaala wanaaga.

Pep Guardiola ayaa kaddib shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka caawa ee finalka FA Cup-ka ay kula ciyaari doonaan kooxda Watford, wuxuu kaga hadlay arintan wuxuuna yiri:

“Waxaan maqlay arintan tan iyo labadii maalmood ee la soo dhaafay, laakiin waxaan nahay kuwo aan waxba galabsan”.

“Hadii aan sameyno qalad, isla markaana UEFA ay ogaato, waxaan la kulmi doonaa ciqaab, ama waxaa laga soo saari doonaa go’aan, balse waxaan nahay kuwo aan waxba galabsan”.

“Waxaan la hadlay guddoomiyaha iyo madaxa fulinta kooxda, waanan ogahay wixii dhacay, waana ku kalsoonahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here