Pep Guardiola “Liverpool waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican ee aan abid arko”

0
44

(England) 21 Abriil 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku amaanay ciyaartoydiisa sida ay u awoodeen inay iska ilaabaan ka haristooda tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Manchester City ayaa 1-0 kaga adkaatay  shalay Kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa kulamada 35-aad ee horyaalka Premier league, waxayna ku soo laabteen hogaanka horyaalka.

Dhinaca macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ku tilmaamay kooxda uu loolanka kala dhexeeyo ee Liverpool inay ka mid tahay kooxihii ugu fiicnaa uu abid arko.

“Waxay ahayd ciyaar aad u adag kulankii Tottenham, kaddib guuldaradii maskax wareerka ahayd ee aan la kulanay Arbacadii”.

“Waxaan ogeyn suurtagalnimada aan ku lumin karno koobka horyaalka Premier league, hadii aan guuldareysano kulankan”.

“Waxaan u sheegay ciyaartoyda, hadii ay awoodaan inay iska ilaabaan wixii dhacay, taasi way fiicnaan lahayd”.

“Hadii aan ahaan lahaa ciyaaryahan, ma sameyn lahayn wixii ay sameeyeen ciyaatoyda kulanka Tottenham, horyaalka wuxuu weli ku jiraa gacmaheena, waxaan qabanay shaqo aad u fiican”.

“Inaad ka hor timaado kooxo aan la rumeysan karin sida Tottenham, iyo tartamayaasha ugu fiican ee Liverpool, waa suuragal inay tahay tan ugu fiican ee Premier league”.

“Reds waa mid ka mid ah kooxihii ugu fiicnaa ee aan abid arko nolosheyda, waan dagaalami doonaa ilaa iyo dhamaadka, waxaan arki doonaa meesha aan gaari doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here