Patrice Evra Oo Kashifay Sababta Uu Xiddiga Fashilmay Alexis Sanchez U Doortay Man United Oo Uu Isaga Diiday City

0
40

Xiddiga ku fashilmay Manchester United Alexis Sanchez ayaa sababta kaliya ee uu ugu wareegay Old Trafford bedelkii uu ku biiri lahaa Manchester City waxa ay tahay mushaharka loo soo bandhigay.

Taasna waa aragtida halyeeyga Man United Patrice Evra iyadoo mustaqbalka Sanchez ee Manchester United uu mugdi weyn ku jiro xagaagan.

Sanchez ayaa United uga soo biiray Arsenal bishii Janaayo ee sannadkii hore, waxaana lagu waramayaa inuu mushahar ahaan u qaato 500 kun ginni isbuucii.

Inkastoo uu wacdarro ka dhigayay garoonka Emirates Stadium hadana Sanchez ayaa u dhaliyay shan gool tartamada oo dhan Manchester United.

Kooxda Red Devils ayaa saxiixda xiddiga reer Chile waxa ay ka dul qaadeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Laakiin Evra ayaa aaminsan in dhaqaale darteed uu ku doortay United, waxaana uu sheegay in Sanchez ay u fiicnaan laheyd inuu u wareego Etihad.

“Ciyaartoyda qaarkood waxa ay u yimaadaan lacag, kama baqayo inaan sidaais iraahdo” ayuu Evra u sheegay Sky Sports.

“Wax colaad ah uma qabo isaga laakiin Sanchez markii aan arkay heshiiskiisa waa markii aan ku fekeray in taariikhda Manchester United ay ceel ku dhacday.

“Waxaa dooneysay Manchester City, waxay u soo bandhigayeen lacag yar laakiin kubad fiican ayuu halkaas ku dheeli lahaa marka loo eego United – Waan ka xumahay inaan sidaas dhaho, laakiin City ayaa ka kubad fiican United.

“Guardiola ayaa sidoo kale horumarin lahaa.

“Sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan ogaado sababta rasmiga ah ee uu u doortay United?

“Ha ii sheegin inuu jeclaa Manchester United markii uu caruurta ahaa.

‘“Waxay aheyd labo mid tan koowaad inuu lacagta ku soo raacay ama inuu doonayaa inuu xiddiga koowaad noqdo, xirto maaliyada No.7, magacna yeesho.”

Sanchez ayaa lala xiriirinayaa xagaagan inuu ka tagayo Manchester United iyadoo Juventus ay tahay kooxda lagu xamanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here