Ole Gunnar Solskjaer Oo Kabtan Cusub U Magacaabaya Kulanka Caawa Ee Barcelona,

0
41

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa caawa kabtan cusub u magacaabaya Manchester United ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta ay martida ugu yihiin Barcelona ee ka dhacaysa garoonka Camp Nou.

Kabtanka rasmiga ah ee United oo ah Antonio Valencia ayaa dhaawac ku fadhiyey inta badan xili ciyaareedkan, laakiin waxa calaamadda xidhnaa Ashley Young, halka Paul Pogba oo kusii xigayna uu tababarihii hore ee Jose Mourinho uu si qaab-daran uga  xayuubiyey.

Sida ay qortay warbaahinta Manchester Evening caddadkeedii Saaka, Ashely Young ma ahaan doono kabtanka caawa ee United, laakiin waxa la magacaabi doonaa hoggaamiye kale oo ay kooxdu ka doonayso inuu guul uga keeno Camp Nou isla markaana uu halgan la galo Barcelona oo marka ay minankeeda joogto miciyo libaax leh.

Warku wuxuu sheegay in aanay jirin sabab cad oo Ashley Young looga siibayo calaamadda sharafta iyo hoggaaminta, hase yeeshee laacibka reer England ayaa dhalleecayn badan la kulmay lugtii hore ee Old Trafford.

Laacibka reer France ee Paul Pogba ayuu tababaruhu siin doonaa kabtanka, waxaana ujeeddada ugu weyn ay tahay in lagu dardar galiyo qaab-ciyaareedkiisa caawa. Hore waxa uu u muujiyey inuu yahay nin u qalma kabtanimada, sababtoo ah, waxa uu ahaa kabtanka xulka qaranka France ciyaarihii caalamiga ahaa bishii hore, waxaana qaabkiisa maamul laga dareemayey garoonka, isagoo si guud u hagayey laacibiinta kale ee ay isku dalka yihiin oo uu mid walba u tilmaamayey halka uu ka wiiqan yahay.

Marka laga yimaaddo gudaha garoonka, Pogba waxa kale oo uu hoggaamiye ku yahay bannaanka oo uu tusaalooyin ku siiyo asxaabtiisa.

Go’aamada kale ee uu Ole Gunnar Solskjaer qaadan doono caawa waxa ka mid ah inuu difaaca bidix ee uu ganaaxa kaga maqan yahay Luke Shaw uu u kala doorto Diogo Dalot iyo Marcos Rojo, waxaanay wararku sheegayaan inuu doorbidayo Dalot oo ka orod badan Rojo.

Dhinaca kale, soo laabashada laacibka reer Chile ee Alexis Sanchez ayaa go’aan kale uga baahan tahay, waxayse u badan tahay inuu kaydka dhigo oo aanu khatar gelinin maadaama uu hadda uun kasoo laabtay dhaawac, balse aqoonta uu u leeyahay Barcelona oo uu hore ugu ciyaari jiray ayaa ku cadaadinaysa Solsjkaer inuu soo safo.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa u baahan inay ugu yaraan 2-1 kaga soo adkaado Barcelona si ay ugu soo baxdo wareegga semi-finalka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here