Neymar Waxa Uu Ku Biirayaa Real Madrid Dhamaadka Sannadkan

0
22

Real Madrid ayaa la sheegayaa inay u muuqato mid kaga hormareysa Barcelona tartanka saxiixa Neymar ka dib markii madaxweynaha kooxda Santos uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu u saxiixi doono kooxda Bernabeu ka dhisan dhamaadka sannadkan.

Xiddigii hore ee Camp Nou ayaa sii joogayaa Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkan ka dib markii xagaagii uu ku guuldareystay inuu dib ugu laabto Spain.

Real Madrid ayaa 300 milyan euro qarashgareysay xagaaagii iyagoo keensaday ciyaartoyda sida Eden Hazard, Luka Jovic iyo Eder Militao.

Laakiin sida ay sheegtay jariiarada Marca, Real Madrid ayaa dooneysay inay sii hagaajiso xiriirka fiican ee kala dhaxeeya PSG sidaasi darteed taleeanka kama aysan qabanin wakiilada Nyemar iyo aabihiis halka sidoo kale ay walaac ka qabeen taam ahaanshihisa.


Dhanka kale Barcelona ayaa isku dayday inay heshiis ka gaarto saxiixiisa iyagoo u bandhigay PSG lacag iyo ciyaaryahano, laakiin waa ay ku guuldareysteen inay soo ceshtaan ciyaaryahanka looga iibsatay 222 milyan euro labo sannadood ka hor.

Heshiis walba oo uu Neymar lagu iibsanayo, kooxdiisa hore ee reer Brazil Santos waxa ay heleysaa boqolkiiba afar.

Madaxweynaha kooxda Santos Jose Carlos Peres ayaa yiri: “Lacagtaas waan heli doonaa.

“Waxa uu aadayaa Real Madrid, haddii aysan haatan aheyn, wuxuu aadi doonaa dhamaadka sannadkan.”

Santos ayaa heshiiska Neymar ka heleysa 6.2 milyan ginni, waana markii labaad oo ay lacag ku helayaan iibka xiddiga reer Brazil tan iyo markii ay ka iibiyeen Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here