Mogadishu City Club Oo Shaqada Ka Joojisay Tababare Hussein Mbalangu.

0
12

Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xilkii macallinimo ka qaaday tababaraha reer Uganda Mbalangu Xuseen,isagoo kooxda hogaaminayay tan iyo 2015 wuxuuna la qaaday hal horyaal oo aan laga badin 2016 iyo koobabka kala ah Jeneraal Daa,uud 2018 iyo Somalia Super Cup.

Maamulka kooxda ayaa sheegay in ay u mahad celiyaan tababaraha reer Uganda wada shaqeynta wanaagsan ee uu la sameeyay Muqdisho City Club.

” Wuu mahadsanyahay macallin Balanagu da’daalkii dheeraa uu kooxda ku bixiyay afartii sano lasoo dhaafay,balse waqtigiisa ayaa ku eg halkan” waxaa sidaas Qalinle Sports ugu waramay Guddoomiyaha kooxda Muqdsho City Club Abukar Yarow.

Maxaa ku xasuusanaysaa macallinkan?
Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here