Miyuu Lionel Messi ciyaari doonaa kulanka adag ee Catalan Derby?

0
25

(Spain) 24 Maarso 2019. Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya inuu ciyaaro kulanka Catalan derby ay wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo Espanyol, iyadoo uu jiray shaki ku aadan ka qeyb galkiisa kulankan, kadib dhaawacii ka soo gaaray dhanka muruqa inta lagu jiray kulankii ay wad ciyaareen xulalka Argntina iyo Venezuela.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu ciyaari karo kulanka sabtida soo aadan ay isaga hor imaan doonaan kooxda Espanyol horyaalka La Liga.

Messi ayaa heysta fursad uu ku heli karo nasiino ku filan si uu kaga soo kabsado dhaawacan dhanka muruqa ah ee ka soo gaaray kulankii Venezuela.

Xidiga reer Argantina ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Barcelona sabtidii shalay, kadib markii loo ogolaaday inuu isaga dhaqaaqo xerada tababarka ee xulka qaranka Argantina, sababa la xiriira dhaawaca ka soo gaaray kulankii Venezuela.

Messi ayaa la dhibtoonayay xoogaa xanuun ah tan iyo kulankii El Clásico ee horyaalka La Liga, laakiin wuxuu mas’uuliyad iska saaray inuu cadaadiyo naftiisa, isagoo aanan helin wax nasiino ah ee ku filan, taasoo kaliftay in dhibaato cusub uu la kulmo inta uu ku gudi jiray tababarka xulka Argantina maalmo kahor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here