Maxuu Ku Dhamaaday Kulankii JBC Iyo Himilo. (Xog+Sawirro)

0
129
Kulan ka mid ah kulamada heerka 1-aad ee Horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa galabta waxaa garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo isku arkay Kooxaha JBC iyo Himlo.
 
Ciyaar adag oo dhaxmartay labada kooxood ayaa 90-kii Daqiiqo ku dhamaatay 0-0 balse waxtiga dheeradka ah ee lagu daray waxaa siweyn oga faa’iideysatay kooxda JBC.Oo la timid gool kaa oo natiijada ciyaarta ka dhigay 1-0 Oo ay guusha ku raacday kooxda JBC.
 
Kooxda Himilo ayaa ah Kooxda kaliya ee 3-dii kulan ay ciyaartay Marna aan badin Waxayna ku jirtaa kaalinta ugu hooseyso dhanka kala sareynta Horyaalka.
 
Kooxda JBC ayaa guusha galabtay waxay u aheyd guul aad umuhiinsan waxayna soo gashay kaalinta 4-aad
 
Tartanka Horyaalka heerka 1-aad ee Kooxaha Jubbaland ayaa sii adkaanayo maalinba maalinta ka dambeya waxayna koox waliba dagaal adag ugu jirtaa Hanashada Horyaalka
 
si aad ula socoto wararka Ciyaaraha iyo Kala sareynta Kooxaha Marwaliba Soo booqo https://jufasports.com
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here