Maxuu Ku Dhamaaday Kulankii Dhaxmaray Guulwade iyo Fc. Majaango

0
125

25/03/2019 Kismaayo: Waxaa galabta garoonka Waamo ee Magaaladda Kismaayo isku arkay Kooxaha Guulwade iyo Majaango

ciyaar adag oo ay soo bandhigeen labada kooxood ayaa ku soo dhamaatay 2-4 Oo ay Guusha ku raacday kooxda FC.Majaango.

Laacibka ugu da’da yar ciyaartoyda ka ciyaarta horyaalka ee Cabdixaafi ayaa galabta dhaliyay 3 gool kamid ah 4-ta gool ee ay galabta ku badisay kooxda FC.Majaango

Ciyaarta markii ay soo dhamaatay kadib ayaa waxaan lagudoonsiiyay kubadii lagu ciyaaray galabta. Cabdixaafid ayaa ah laacibka ugu koolasha badan labadii kulan ee uu ciyaaray ayaa waxaa uu dhaliyay 5 gool

Kooxda FC. Majaango ayaa galabta sii dheereysatay hogaanka tartanka horyaalka kooxaha  heerka 2-aad ee  Jubbaland .

 

Maalinta berito ah ayaa waxaa garoonka Waamo ee Magaalada kismaayo Fooda isku dari doona kooxaha KOBAN VS KISIMA.

 

W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here