Maxay Ku Dhamaatay Ciyaartii Soomaaliya & Zimbawbe

0
58



Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa lugta labaad ee is reeb reebka koobka aduunka 2022 ku qabsoomaya wadanka Qatar magaalada Haraare kula dheelay xulka qaranka Zimbabwe.

Qeybta kowaad labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan waxaana lagu kala nastay bar baro goolal la’aam,iyadoo dhaawac garoonka looga saaray dhaliyaha goolkii hore lugta laacib Anwar Sayid Cali oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Elman Sports Club .

Markii laysku soo laabtay dheesha qeybta labaad xulka Zimbawbe ayaa Daqiiqadii 75-aad goolka u dhaliyay,balse Daqiiqadii 83-aad waxaa gool qurux badan xulkeena u ansixiyay Cumar Cabdullahi Maxamed

Daqiiqadii 85-aad Xulka Zimbabwe ayaa ansixiyeen gool laad xor ah am (Free Kick) waxayna ciyaarta kusoo dhamatay 3-1 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Zimbabwe.
Shaxda Lagu Soo Bilaaway Kulanka Lugta 2-aad

Gool Haye -Saciid Aweys Cali (Muqdisho City Club)

Daafacyada-Maxamud Cali Maxamed (England),Yonis Cabdirsaq Faarax (Norway),Axmed Saciid Axmed (Finland) Abil Gigil (Itay)

Qadka Dhexe-Cabdi Samad Cabdullahi (Nethland) Cabdi Casiis Yuusuf (Canada),Axmed Cali Maxamed

Weerarka-Xusen Abikarin Maxamed (Finland),Anwar Sayid Cali (Elman),Cumar Cabdullahi Maxamed (America)
Keydka
Xasan Ibraahim (Dekedda) ,Farxan Maxamed (Horseed) ,Cabaas Amiin (Dekedda),Ibraahim Cabdi Maxamed (Horseed),Ayman Maxamed (Midnimo),Cabdi Wali Cabdiraxmaan (Dekedda) Maxamed Abuukar (England),Fahad Ismaaciil (England)
Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here