Maxay Feisal Ahmed & Qadar Yuusuf Ka Dhaheyn Kulankoodii 1-aad Ay Isku Arkayaan Horyaalka.

0
9

Kooxaha dowladda hoose ee Mogadishu City Club iyo Dekedaha Football Cluba ayaan wada ciyaaridoono kulamadoodii u danbeeyay horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 ama kulamadoodii 18-aad 2018-2019.

Mogadishu City Club kulan ciyaareedkii u danbeeyay horyaalka waxa ay 5-4 guul daro kasoo gaartay xidigaha Jazeera Sports Club waxaana kulankaa goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Marcel Odhiambo Qeys Cabdulle Macalin.

“Aad bay ii farxad gelinaysaa in aan tartamda dalka ku hardano aniga iyo saaxiibkayga Qadar Yuusuf oo aan dalka u wada imaanayay 2018 ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho,balse waxaana bulshada usoo bandhigaynaa xirfadeena ciyaareed aad” waxaa Qalinle Sports u sheegay xidigaha Mogadishu City Club Feisal Axmed Xasan.

Kooxda Dekedaha Football Club oo hogaaminaysa horyaalka 17-kulan ay ciyaareen waxa ay qasaareen labo ciyaareed waxayna kala kulmeen kooxaha Horseed Sports Club iyo Elman-Sports Club 3-kulan ay barbaro galeyn,iyagoo guulaystay 12-kula, waxayna lee yihiin 39-dhibcood.

Xidigaha Dekedaha Football Club kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga badiyee naadiga ciidan booliska ee Heegan Sports Club.

Kulankii ay wareega 1aad wada ciyaareen labada dhinac horyaalka 04-April 2019 waxaa 1-0 ku badiyay wiialsha Dekedda waxaana goolkaa u dhaliyay laacib Qadar Yuusuf.

“Macallin Nuur iyo maamulka kooxda aan kawada nimid ayaa nasoo wacay waxayna nagu bogaadiyeen horomarka aan samaynay,waxayna nagu dhiiri-gelinyeen in aan noqono safiiro ka shaqeeyo usoo soo dhaweynta dhallinyarada gudaha iyo qurbaha,balse sheekada ciyaartan waxa ay inoo tahay mid taariikhi ah”

“Aniga waxaan rajaynayaa in aan kooxda kula guulaysto horyaalkii ugu horeeyay ee Somalia Premier League” waxaa Qalinle Sports ugu warmaya laacib Qadar Yuusuf Cali.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox
04/04/2019 Dekedda 1:0 M.C.C
19/02/2018 Dekedda 1:0 M.C.C
16/04/2018 M.C.C 0:0 Dekedda
09/03/2017 Dekedda 1:0 M.C.C
22/02/2016 Dekedda 1:1 M.C.C
11/05/2016 M.C.C 0:0 Dekedda
29/01/2015 Dekedda 0:2 M.C.C
13/05/2015 M.C.C 0:1 Dekedda
03/01/2014 Dekedda 2:4 M.C.C
04/03/2014 M.C.C 2:1 Dekedda
26/06/2012 Dekedda 1:1 M.C.C
15/10/2012 M.C.C 1:2 Dekedda
Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here