Maxay Arsenal U Baahan Tahay Si Horyaalka Ugu Tartamaan Xilli Ciyaareedka Dambe, Wax Ka Ogoow Xalka.

0
42

Xilli ciyaareedka Arsenal ayaa dhamaad ah kaliyana hal kullan ayaa u haray waana kan 29-ka bsihaan ay isku arkayaan Chelsea ee finalka Europa League.

Dad badan ayaa is weydiinaya xilli ciyareedka Arsenal ma yahay mid guuleystay ” jawaabta waxaan heleynaa ka dib finalkaas kaasi oo kooxda u ogalaanaya in ay ka qeyb qaataan Champion-ka xilli ciyaareedka dambe maadaama dhanka horyaalka ay ku dhameysteen booska 5-aad, waxaana markaas oran karnaa xilli ciyaareedkii koowaad ee tababare Unai Emery ee Arsenal waa uu guuleysatay.

Arsenal FA Cup-ka iyo League Cup-ka xilli hore ayay ka hareen waxa ayna horyaalka istaageen booska 5-aad ka dib 38 kullan oo ay ciyaareen , waxa ay badiyeen 21 jeer , 7 jeer bar bar dhac ayay galeen halka 10 kalana laga badiyay , waxa ay dhankooda dhaliyeen 73 gool halka ay qaabileen 51 kale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here