Maxaa ka jira in Marcelo uu ku biiray kooxda Juventus

0
53

(Real Madrid) 9 March 2019. Daafaca reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa beeniyay wararka xanta ah ee ku aadan inuu ka tagao garoonka Santiago Bernabéu, si uu ugu biiro Juventus suuqa xagaaga ee soo aadan.

Tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo oo saaxiibo dhow ahaayeen ku biiray Juventus, Marcelo ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu kula midoobayo Cristiano kooxda Bianconeri.

Shalay ayay ahayd kadib markii uu wargeyska La Stampa ee dalka Talyaaniga uu shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay heshiis la gaartay Marcelo, isla markaana uu saxiixi doono heshiis 4 sano ah, kaasoo sanadkii uu mushaar ahaan ku qaadan doono qiimo dhan 12 milyan euro.

Marcelo ayaan sugin wakhti dheer si uu uga jawaab celiyo wararka xanta ah ee ku aadan inuu heshiis la gaaray kooxda Juventus, kadib markii uu soo dhigay sawirkiisa inta uu ku gudi jiray tababarka kooxdiisa jimcihii shalay wuxuuna soo raaciyay qoraalah:

“halkan waa gurigeyga”, isagoo cadeeyay inuusan dooneynin inuu ka tago Real Madrid.

Tani ma ahan markii ugu horeysay ee Marcelo uu beeniyo wararka xanta ah ay saxaafada kaga hadleen mustaqbalkiisa, balse waxaa jira wali wargeysyo badan ee aaminsan in daafaca reer Brazil uu heshiis u saxiixi doono Juventus xili ciyaareedka soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here