Marcelo oo sharaxaad ka bixiyay shakiga ku jira mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid

0
42

(Spain) 22 Abriil 2019. Waxaa jiray warar badan ee ku saabsan mustaqbalka xidiga reer Brazil ee Marcelo iyo suurtogalnimada uu kaga dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale waxaa jira warar ku aadan in Marcelo uu kula biiri doono saaxiibkiis horey ee Cristiano Ronaldo kooxda Juventus xili ciyaareedka soo socda.

Marcelo ayaa ku dhibtooday safka kooxda Real Madrid xili ciyaareedkan gaar ahaan xiligii uu macalinka ka ahaa Santiago Solari, kahor inta uusan kooda ku soo laabanin Zinedine Zidane.

Hadaba Marcelo oo ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid kaddib guushii ay shalay kaga gaareen kooxda Athletic Bilbao horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa wuxuuna yiri:

“Real Madrid waa gurigeyga inkastoo ay jiraan warar badan, qof walba wuu ogyahay farxada aan maalin kasta ku dareemayo halkan”.

Si kastaba Real Madrid ayaa shalay guul 3-0 ah kaga gaartay kooxda Athletic Bilbao kulankooda 33-aad ee horyaalka La Liga xili ciyaareedkan, xili uu Karim Benzema dhaliyay saddex gool.

Yeelkadeeda, Marcelo ayaa ku amaanay saaxiibkiis reer France ee Karim Benzema bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay kulankii Athletic Bilbao, isagoo sheegay in qof kasta ee kooxda jooga uu ka war qabo awoodiisa xitaa hadii uusan gool dhalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here