Manchester City oo rikoor u dhigtay kooxaha Yurub Kaddib guushii ay ka gaartay Crystal Palace, 

0
91

(London) 15 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay guul ka gaartay shalay naadiga Crystal Palace.

Sky Blues ayaa booqatay garoonka Selhurst Park, halkaasoo ay Palace kaga soo badiyeen 3-1, labo gool oo uu Man City u dhaliyey Sterling iyo mid kale oo uu raacsaday Jesus ayay ku adkaatay kooxda Pep Guardiola, inkastoo uu laad xor ah ka xareeyey Milivojevic.

Haddaba guushaas Manchester City ayaa rikoor u dhigtay kooxaha ka ciyaara horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ee dhalisa 150 gool tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan 2018-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here