Manchester City Oo Guul Muhiim Ah Ka Heshay Tottenham Hotspur Xilli Wiilasha Guardiola Ay La Wareegeen Hogaanka Premier League.

0
91

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka heshay Tottenham Hotspur, waxeyna tani ka saaciday Pep Guardiola inuu hogaanka horyaalka dib ula wareego isagoo dhanka kulamada kala siman kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool.

Citizens ayaa ka gudubtay darbi adag kadib markii ay gool dirqi ah kaga baxsatay Spurs, waxaana kulanka go’aamiyay Phil Foden oo kulanka bilowgiisii kubad madax ah dhaliyay, labada kooxood ayaa dhameystay kulan laga garan karay sida ay u daalan yahiin.

 

Daqiiqadii 3-aad: BADBAADIN

John Stones ayaa qalad sameeyay isagoo jooga afka hore goolka, Eriksen ayaa kubad u dhiibay Son kaas oo isna kubad awood leh ku tuuray goolka, balse goolhaye Ederson ayaa iska saaray.

Daqiiqadii 5-aad: GOAL

Bernardo Silva ayaa kubad joog sare ah u gudbiyay Sergio Aguero, si fiican ayuu kabtanka Man City ee kulanka maanta u madaxeeyay kubadda, waxaase kubadda oo aan goolka ku aadaneyn gool u sarifay Foden.

Daqiiqadii 14-aad: FURSAD

Ciyaartoyda Spurs ayaa si qurux badan dhinaca midig kubado ilqabad leh ku dheelay ka hor inta uusan Moura kubad u gudbin Eriksen, xiddiga reer Denmark si fiican ayuu kubadda ugu tuuray goolka balse Ederson ayaa ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 16-aad: FURSAD:

Christian Eriksen ayaa kubad si sahlan ugu gudbiyay Son kaas oo taagnaa meel u dhaw Laporte, si fiican ayey u tartameen labada xiddig balse daafaca reer Fracne ayaa isku dhigay kubadii uu Son la beegsaday goolka.

Daqiiqadii 44-aad: FURSAD

Son ayaa kubad ka jiiday dhexda kana xariiftamay dhawr xiddig oo City ah ka hor inta uusan galin xerada ganaaxa, balse kubadii uu goolka la aaday goolhaye Ederson ayaa ka badbaadiyay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay ku hogaamineyso Man City, balse xiddigaha Spurs ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed gaadmo ah oo ay ku heleen dhawr fursadood oo ay gool kaga dhalin kareen dhigooda walow lala dagaalamay.

Daqiiqadii 59-aad: RIGOORE.

Ciyaartoyda Tottenham Hotspur ayaa ku dooday in rigoore loo dhigo markii Walker uu kubad ku taabtay gacanta isagoo la dagaalamaya Delle Alli, xerada ayey ku wada jiree – markii uu kubadda koontoroolay Delle ayuu saaxiibkiisii hore gacanta ku saaray.

Daqiiqadii 70-aad: FURSAD

Raheem Sterling ayaa qasaariyay fursad muhiim ah, Silva ayaa kubad dhaqso ah u dhiibay Sane kaas oo isna kubada usii gudbiyay xiddiga reer England, kubad joog hoose ayuu tuuray balse goolhayaha ayaa lugta isaga saaray.

Daqiiqadii 72-aad: FURSAD

Lucas Moura ayaa si qurux badan u koontoroolay kubad uu markii hore kula dagaalamay Laporte iyo Stones, waxey aheyd fursad qaali ah balse kubadii uu goolka aadiyay Stones ayaa isku dhigay ka hor inta aysan kusii dhicin Ederson.

Garsooraha ayaa ka dhawaajiyay seeriga dhamaadka ciyaarta. City ayaana guushii labaad oo xiriir ah ka heshay Spurs.

Natiijada ciyaarta waxey kusoo dhamaatay 1-0, oo ay guusha ku qaadatay Manchester City, wiilasha difaacanaya horyaalka ayaana helay guul muhiim ah oo ka saaciday iney dhibic qura hogaanka kula wareegaan iyagoo dhanka kulamada la siman Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here