Macalinkii Puntland U Qaaday Koobkii Maamul Goboleedyada Oo Loo Mgaacaabay Xil Cusub.

0
145

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland State ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Goboolka Banaadir.

Horay waxaa guddomiyaha xiriika kubbadda cagta Puntland u ahaa Mustaf Cabdiraxmaan Xasan (Majacase) oo iminka ah madaxda tartamada xiriirka kubbadda cagta Puntland.

Wareegtada kasoo baxda xafiiska wasiir Jaamac Faarax ayaa lagu magacaabay ilaa shan qof kuwaas oo loo dhiibiyay xilal kala gedisan oo xiriika kubbadda cagta Puntland,iyagoo shaqeyndoona mudo hal sano iyo afar bilood.

“Waan ku kalsoonahay aqoonta iyo tayada shaqsiyaadka aan u magacaabay xilalka kala duwan ee Xiriirka kubadda cagta Puntland waxay haystaan mudo sanad iyo afar bilood waxaana kawada sugaynaa in ay la yimaadaan horomarinta iyo dhisida X.K.Cagta Puntland”waxaa sidaas Qalinle Sports ugub waramay Wasiirka ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse.

Liiska Loo Magacaabay Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland

Mohamed Ciiro Guddomiyaha X.K.Cagta Puntland

C/Qani C/Raxman Faarax –Guddomiye Ku Xigeenka

Mustafe Majacase– Madaxa Tartamada

Cabdi Xakiim Saciid Muuse – Madaxa Farsamada

Xasan Bare Ducaale-Madaxa Maaliyada

“Is badalka waqti kasto ayaa loo baahan yahay Puntland waxaa laga heli karaa dhalinyaro badan oo tayo wanaagsan kuwaas oo door wacan ka ciyaari kara kobaca iyo natiijooyinka xulka Qaranka Soomaaliya”

“Waxaan sugnaba waa dardar gelinta howlaha adag ee horyaal mas’uuliyeenta la magacaabay” waxaa sidaas Qalinle Sports u sheegay guddomiye ku xigeenka 2aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K.Cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed.

Maxamed Cali Ciise Mohamed Ciiro waa macalinkii kooxda Puntland u suura geliyay hanashada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir markii ugu horeesay ee la qabtay sanadii 2016,isagoo kolkaa ka qaaday kooxda Jubaland,halka sanadii 2017 uu isla kooxda soo gaarsiiyay kama dambeysta koobka Maamul Goboleedyada.

“Wuu mahad sanyahay wasiir Jamaac iyo intii kale ee kasoo shaqaysay howshan anagoo wadajir ah ayaan isku kaashanayna horomarinta iyo kor u qaadida dhismaha xiriirka kubbadda cagta Puntland si sanadaha aadan aan u gaarno guulo waaweyn oo wax ku ool ah”waxaa Qalinle Sports u sheegay guddomiyaha cusub ee xiriika kubbadda cagta Mohamed Ciiro.

Si kastaba bilihii lasoo dhaafay waxaa maamulka Puntland ka socday dardar gelinta dhismayaasha iyo horomarinta garoomada kubbadda cagta dhalinyarada deegaanka ayaa arintan soo dhaweeyay,iyagoo guul u rajeeyay madaxda cusub ee xiriika kubbadda cagta Puntland.
Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here