Liverpool Oo Xalay Reebtay FC Porto Una soo Gudubtay afar dhammaadka Champions League

0
73
PORTO, PORTUGAL - APRIL 17: (THE SUN OUT, THE SUN ON SUNDAY OUT) Sadio Mane of Liverpool scores the first goal and celebrates during the UEFA Champions League Quarter Final second leg match between Porto and Liverpool at Estadio do Dragao on April 17, 2019 in Porto, Portugal. (Photo by Andrew Powell/Liverpool FC via Getty Images)

(Yurub) 18 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka Champions League xilli ciyaareedka markii ay guul gaartay labadii lugood oo ay la ciyaartay naadiga FC Porto.

Lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League oo xalay labada kooxood ku dhexmaray garoonka Estadio do Dragao ayey kooxda Liverpool ku adkaatay 4-1.

Reds waxaa kulankan goolasha u kala dhaliyey Mane 26’daiiqo, Salah 65’daqiiqo, Firmino 77’daqiiqo iyo Van Dijk 84’daqiiqo, halka Porto ay goolka qura ee kulankan ka heshay Militao 68’daqiiqo.

Kooxda Liverpool ayaa sidaas isku cel-celis goolal gaaraya 6-1 ugu soo baxday afar dhammaadka koobka horyaallada Yurub ee Champions League oo ay la ciyaari doonaan naadiga reer Spain ee Barcelona.

Haddaba qaar ka mid ah rikoorradii kulankan ayaa halkaan hoose idinkula wadaagaynaa:-

>- Kooxda Liverpool ayaan guuldarro kala kulmin naadiga FC Porto siddeed kulan oo ay ka hortagay.

>- Sadio Mane ayaa gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah heerka bug-baxa ama knockout-ka Champions League ee uu ebid ciyaaray.

>- Sadio Mané ayaa gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah wareeg kasta oo  Champions League ah tan iyo markii uu sameeyey safashadiisii ugu horreystay ee tartankan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay;

(xilli ciyaareedkii hore waxa uu ka dhaliyey wareegga guruubyada, kan 16-ka, siddeed dhammaadka, afar dhammaadka iyo weliba Final-ka, xilli ciyaareedkaanna waxa uu Mane gool ka dhaliyey  wareegga guruubyada, kan 16-ka iyo siddeed dhammaadka)

>- Afar ka mid ah 10 gool oo uu Sadio Mané ka dhaliyey heerka bug-baxa ama knockout-ka Champions League waxa uu ka dhaliyey FC Porto.

>- Kaliya saddex ciyaaryahan oo Afrikaan ah ayaa ka dhaliyey 10 gool heerka knockout-ka Champions League, waxaana ay kala yihiin; Didier Drogba (14 gool), Samuel Eto’o (10 gool) iyo Sadio Mané (10 gool)

>- Sadio Mané waa ciyaaryahankii ugu horreeyey kooxda Liverpool ee Champions League heerkiisa bug-baxa u dhaliyey 10 gool.

>- Kaliya Steven Gerrard (21 gool) ayaa kaga goolal badan kooxda Liverpool European Cup/Champions League Sadio Mane taariikhda, xiddiga reer Senegal ayaana xalay barbareeyey Ian Rush oo Reds koobka horyaalladda Yurub uga dhaliyey 14 gool.

>- Porto ayaa isku day-day 15 shuut qeybtii hore ee ciyaartan ay ka horjeedeen Liverpool, waa in kabadan koox kasta oo kale qeybta hore kulan heerka bug-baxa Champions League xilli ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here